Wareysiga Axmed Cabbaas oo ka mid ahaan jiray xiddigii naadigii Muqdisho TORONTO Waxaa todobaadkan Somaliweek wareysi dheer la yeelatay Axmed Cabaas oo ahaa xiddig ka mid ah xiddigihii kubadda cagta laf dhabarkana u ahaa naadigii dowladda hoose ee Muqdisho, Axmed Cabaas wuxuu naadiga Muqdho uga cayaari jiray number 10aad
Axmed Cabaas wuxuu degan yahay magaalada Ann Arbor ee gobalka Michigan dalka Mareykanka
Tan kale Axmed Cabaas wuxuu ahaa cayaartoydii ka soo baxday degmada Boondheere oo aheed warshaddii soo saartay xiddigii qaranka kubadda cagta soomaaliya sida Xaaji Macow, Nuur Qaloocow,Baasi Maxamed Nuur,Nuur Shaarkey,Ayuub,Abraar,Suufi Guudle,Cabdulqadir Awkookow,Sakariye Baliile,Cumar Calasow,Abaliisha,Axmedey Hilowle,Siidlkey,Shiikh Nuur Ooyaye,Yaxye Aayow.Siid Xasan iyo kuwa kaloo aad u faraba badan halkana aan ku soo koobi karin
Axmed Cabaas oo si weyn uga waramay taariikhdiisa aadna ka dhageysan kartaa boggan Somaliweek,wuxuu ugu horeyntii sanadkii 1982 ka mid noqday gobalka Banaadir,waxaana markaas macalin u ahaa Axmed Negaro,Coonka & Tuke
Axmed Cabaas wadamo dhowr ah ayuu cayaaro caalami ah u tagay sida Uganda,Zimbabwe,Burundi,Nigeria,Saudi Arabia,wuxuuna Axmed Cabaas ka fariistay cayaaraha sanadkii 1987 isagoo markaas dhaawac ka soo gaaray mar ay magaalada Jeddah kula cayaareen kooxda Tarzana oo ka socotay dalka Masar