Wareysiga Guddoomiyaha Horumarinta Olimbikada Soomaliya Bashiir Fox TORONTO Waxaa todobaadkan Somaliweek xog-wareysi la yeelatay guddoomiyaha horumarinta Olimbikada Soomaaliya Bashiir Yuusuf Maxamed oo loo yaqaan Bashiir Fox kana mid ahaan jiray xiddigihii hore ee kubadda koleyga Soomaaliya gaar ahaan kooxdii Batroolka iyo xulka qaranka Soomaaliya,
Bashiir Fox wuxuu ka qeyb galay aqoon is-weydaarsi lagu qabtay magaalada Kigali dalka Rwanda uuna ku weheliyay Caamir Xasan ahna kaaliyaha xoghayaha XSKC,aqoon is-weydaarsigaas waxaa looga hadlayay nabada iyo sportiga ,waxaana ka soo qeyb galay wadamo badan iyadoo waliba uu goobna uu ka ahaa guddoomiyaha Olimbkidada adduunka Mr.Jacques Rogge iyo mas'uuliyiin kale oo badan
Bashiir Fox waxaa uu Somaliweek uga waramay sidii uu aqoon is-weydaarsigaas u qabsoomay,wuxuuna aad ugu dheeraaday in uu halkaas ka soo jeediyay sida sportiga Soomaaliya uga badbaaday nabad la'aanta ka jirta,sidoo kale wuxuu Bashiir Fox ka hadlay tartanka All Arab Games oo lagu qaban doono dalka Qatar iyo talooyin uu u soo jeediyay bahda kubadda koleyga.