WAREYSIGA DEEQ XALANE,CABDIXAKIIM OTTAWA & XALANE-IFTIN


TORONTO Waxaan tobobaadkii la soo dhaafay ka socday magaalada Toronto ee dalka Canada shirar iyo wadatashi gaar gaar ah oo ujeedadu ahayd in kooxda kubadda cagta IFITN la daba qabto ka dib markii kooxda magacii iyo maamuuskii ay ku lahayd bushada isboortiga magaalada Toronto dhexdeedii uu sii wiiqmay ka dib markii kooxda looga cararay dad yar oo fara ku tiris ah kana amar qaata shaqsi kaliya

Sidaas darteed ayaa waxaa abuurmay kacdoon isboorti oo ay u istaageen dhalinyaro badan taas oo ahmiyadooda kowaad tahay in IFTIN dib loogu soo celiyo magacii iyo haybaddii ay laheed

Hadaba waxaa Somaliweek wareysi siiyay seddex dhalinyaro oo in muddo ah u soo cayaarayay kooxda IFTIN oo kala Cabdixakiim Ottawa,Deeq Xalane iyo Xalane,waxay waresigooda ku sheegeen in IFTIN aan sheekh iyo xertiisa looga tagin


Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto