Sidee Loo Horumarin Karaa Kubadda Koleyga Soomaaliyeed

Dhageyso Falqeynta Horumarinta Kubada Koleyga

TORONTO Waxaa Somaliweek marka falaqeyn fikir wadaag ah dhex dhigtay dad magac weyn ku leh isboortiga Soomaliyeed gaar ahaan kubadda koleyga,waxaana falaqeynta Somaliweek ku saabsan tahay sida loo horumarin karo kubadda koleyga Soomaliyeed gudaha iyo dibada

Waxaana ka qeyb galay barnaamijkan falaqeynta Somaliweek Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi Dheere) Siciid Faarax Ducaale ,Abukar Axmed Maxamed (Abukar Shiino) ,Cabdulkadir Xaaji Daahir (Shiikha) iyo Cabdi Maxamud Guuleed (Cabdi Xalwo)

Waxaana marka hore barnaamijka ku bilowday hordhac ku saabsan mideynta bahda kubadda koleyga,ka dibna waxaa si aad ah loogu dheeraaday sidii horumar weyn looga sameyn lahaa qurbaha iyo ugu dambeyntii sidii loo caawin lahaa XSKK howlaha kubadda koleyga ee uu ka wada dalka gudihiisa

Waxaana ka dhageysan kartaaa sida barnaamijkan u dhacay boggan Somaliweek,waxaana dooda qeybinaya Muxiyadiin Jaamac

Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto