Wareysiga Eng.Abdi Jiinow Calasow,Gudd.Naadiga Dekahada

Gudd.Naadiga Dekadaha Eng Jinow Vs Gudd FIFA Mr.Sep Platter

Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Naadiga Dekadaha Eng.Abdi Jiinow Calasow

TORONTO Waxaa maalinitii Jimcaha oo taariikhdu ku beegneed October.08.2010,shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho,guddoomiyaha naadiga dekadaha Eng.Abdi Jiinow Calasow,oo si baahsan uga waramay maamul xumada ka jirta XSKC,iyo sida loo marin habaabiyay ujeedooyinkii loo abuuramay XSKC hadda ka jira magaalada Muqdisho,iyadoo aan la hadda la oran karin xiriirkaas xiriir Soomaliyeed balse uu yahay xiriir beeleed

Eng.Abdi Jinow wuxuu intaas ku daray in goor walba hal ku dhigyada xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA,uu yahay in isboortiga laga ilaaliyo Eexda,Nin Jecleysiga iyo wax kasta oo bulshada dhexdeeda ku keeni kara kala qeyb sanaan

Hadaba waxaa Somaliweek u suurta gashay in wareysi la yeelato,guddoomiyaha naadiga dekadaha,Eng.Abdi Jiinow Calasow oo jooga magaalada Muqdisho,waxaadna wareysiga oo dhan aad ka dhageysan kartaa boggan Somaliweek

WAR SAXAAFADEEDKA ENG.ABDI JIINOW CALASOW WUXUU U QORNAA SIDATAN

Sida aad la wada socotaanba kadib burburki dawladnimo ee dalkeyna ku habsaday wixii ka dambeeyay 1991, wuxuu xiriirki soomaaliyeed ee kubbadda cagtu isu beddelay mid ay hal beeli afduubato iyadoo lagala heshiiyay koox maafiya ah oo ka mid ah madaxda hay’adda FIFA ee maamusha kubbadda cagta ee adduunka.

Soomaaliya waxay ka kooban tahay degaan ahaan Gobollo badan oo ay degaan beelo kala duwan, waxaa kale oo jira maamul Goboleedyo nabad laysku halleyn karo ay ka jirto oo geddigood xaq u wada leh inay ka helaan sedkooda wixi ka dhaxeeya soomaaliya islamarkaana wata ama ku howl-gala astaan qarameedka ummadda ka dhexeeya.

Waxaa in la xuso mudan in kuwa ka shaqeeynayay siyaasadaha soomaaliya labaatanki sano ee la soo dhaafay oo isugu jiray Hoggaamiye kooxeedyo lawada garanayo dhaqamadoodii, ururyo diimeedyo, xukun doonyo baahaloobay iyo kuwa ka qowleysta siyaasadaha soomaaliya oo badankooda lagu magacaabo INTERNATIONAL COMMUNITY ay mar walba wax ku qeybinayeen wax u eg qaab beeleedka ay soomaalidu wax ku wadaagto, halka uu xiirka caalamiga ee FIFA uu mar kasta hishiiska u cusbooneysiinayay BEESHA HAWIYE oo kaliya iyagoo mar walba ku gabbanayay doorasho ku sheegyo ay ka qeyb qaadanayeen Naadiyo lagu sheegay inay ka diiwaan gashan yihiin FIFA oo aan la kordhin Karin geddigoodna milkilayaashoodu yihiin beesha aan sare ku soo sheegnay waxaana sidaas loo yeelay inaan beelaha kale ee soomaaliyeed laga helin naadiyo cod leh oo wax dooran kara, dhan kale halku dhigyada FIFA waxaa aan sannad waliba laga illaawin ee lagu soo qaataa in isboortiga lagala diriro EEX, NIN JECLEYSI, QABIIL IYO WAX KASTA OO BULSHADA DHEXDEEDA KU KEENI KARA KALA QOQOB marka haddii lays barbar dhigo halku dhigyadan FIFA iyo sida ay u maamulaan isboortiga Soomaaliya gaar ahaan Kubbadda Cagta waxaa kuu soo baxaysa in ereyadan sare oo dhadhanka wanaagsani, yihiin oo kaliya kuwo lagu qoro looxadahooda loogana dan leeyahay in lagu qariyo xaqiiqda ku dhisan BOOBKA HANTIDA WADDAMADA AY DHIBAATOOYINKU KA JIRAAN iyadoo loo marayo kuwo lagu soo xushay Magac Beeleed oo ay aragtidooda Waddaninimo gaaban tahay islamarkaana waayo aragnimadooda Isboorti tahay mid ku eg xilligii uu billaawday burburki Dowladda soomaaliya.

Waxaa iyana sidoo kale in lays xasuusiyo mudan in shirka golaha guud ee FIFA sanad waliba lagu ansixiyo qoondo lacageed sannadle ah looguna tala galay horumainta Kubbadda Cagta ee Soomaaliya iyadoo lagu sababeynayo Dowlad la’aanta ka jirta Soomaaliya laakin ujeeddada dhabtaahi waa tuugo iyo wax isdaba marin waayo golaha guudi kaliya wuxuu u dhisan yahay in wixi la doono laga ansaxsado laakin marka la gaaro xisaab celinti sannadki ka horreeyay waxaa la soo hor dhigaa oo keliya warqado ay maafiyada FIFA sida ay rabaan u soo qortaan lamana baaro ee goluhu wuxuu ku ayidaa sacab iyo sawaxan waana sababta fududeysay in wax lays daba mariyo laguna dhiirado in gebi ahaanba la leexsado miisaaniyadda wadamada ay dhibaatadu ka jirto sida soomaaliya.

Marka aan u soo noqonno sida loo maamulo misaaniyadda sare ayaa waxaa wax lala yaabo oo run ahaantii noqotay wax lagu qoslo in kuwi lagu soo dhisay XAARAANTA ee soomaalida ahaa haddaana lagu aamini waayay in gacanta loo geliyo maamulka gebi ahaan oo waxaa la og yahay maanta in Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagtu xaruntiisu ay tahay Waddanka Jabuuti, kuwan Soomaalida ahina ay yihiin oo kaliya aalad wax lagu lunsado kadiba dufan yar afka loogu tiro, Go’aanka dhabtaahi wuxuu ka fulaa Maafiyada FIFA iyo Xiiriirka kubbada Cagta ee Jabuuti dhanka kale waxaa karaama darro ummadda soomaaliyeed ugu filan in Xiriirada Kubbadda Cagta ee waddama aan deriska nahay ay maanta halgan iyo olole ugu jiraan maamulka miisaaniyadda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta sababtoo ah waxay arkaan Hanti dadkii lahaayi qaar hurdaan qaarna wax ka boobayaan oo aan haba yaraatee ogayn inay iyagu yihiin kuwii iska lahaa.

Mudanayaal idinkoo naga raalliya waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa sida ay beeshaasi u qeybsadeen xubnaha xiriirkooda Beeleed waana sidan:-

Saciid Maxamed (Mugaambe) Guddoomiye (Muddullood)
Cali Saciid Guuleed Gudd.K/xigeen (Sacad).
Cabdiqani Saciid Carab Xoghaye (Sacad).
Xasan Fareey Kaaliye Xoghaye (Muddullood).
Yaxye Maxamed Abuukar Xubin (Muddullood)
Cabdullaahi Guure Xubin (Murusade)
Bashiir Geeseey Xubin (Murusade)
Cabdirashiid Caddoow Xubin (Abgaal)

Waxa kale oo la leeyahay waxaa jira laba ku xigeenno oo lagu kala sheegay inay nay kala yihiin (Dhulbahante & Bagadi) laakin haddana waxaa la caddeeyay in Hooyooyinkood ay qaraaba yihiin Guddoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa 1aad, waxaana sidaas loogu soo dhaweystay inay booska buuxiyaan wixi la doonana laga fushado.

Waxa dhismahoodu sidaas yihiin ayay FIFA doonaysaa inay ku afduubato masiiraka kubbadda Cagta ee Soomaaliyeed waayoo haddii Ummaddu waxeeda yeelato waxaa meesha ka baxaya tuugadii iyo xeeladihii lagu lunsanayay Hantidooda.

Waxaa dhanka kale maalmahan billaawday Guux iyo doodo ay Jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed isla dhex marayaan oo ku saabsan dhibaatada ka jirta ISBOORTIGA gaar ahaa KUBBADDA CAGTA, marka aad sii dhadhansato doodahooda iyo sida ay u dhigayaan waxa kuu soo baxaya inta badan Dhallinyarada beelaha kala duwani in Maskaxdoodu qabatintay in Beesha hawiyi ay tahay tan xaqa u leh inay kali ku ahaato maamulka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya, haddii aad u sii fiirsatana ma aha wax lala yaabi karo waayoo waxay ku soo garaadsadeen sida xaaraanta ah oo ay hadda wax u dhisan yihiin. Haddaba, wixi dhibaata ah ee ka yimaada dareenkan gurracan ee naxdinta leh waxa ay gaar u tahay oo aan lala wadaagi doonin XIRIIRKA CAALAMIGA AH EE FIFA iyo Madaxdooda iyagaana dusha u ridan doona Mas’uuliyadda cawaaqib xumada arrintani keento waayoo waa iyaga kuwa markii horana sidan wax u dhisay oo hal Beel ma ahee inta kale xaqoodii duudsiyay haddana weli nagu khasbaya oo ku ilaalinaya kuwa gacan ku rimiska ah oo ay ku fushadaan danahooda shaqsiga ah ee ku dhisan boobka hantida Ummadda.

Ma rabo inaan meel uga wada dhaco dhammaan madaxda iyo maamlka FIFA waxaana is leeyahay labada oday ee Ciise Xayaatu iyo Sir Platter-ba aaneey qeyb ka ahayn fadeexaddan xanuunka leh iyadoo aan laga tegeyn meesha ay wax ka dhacayaan iyo kuwa ku lugta lihi ay iyaga hoos yimaadaan sidaasna ay mas’uulyadda wax ugu yeelan doonaan haddana labadan oday waxaan ku naqaannaa kuwo had iyo jeer u hiilliya isbooriga waddamada aan isku filleyn iyo kuwa ay dhibaatooyinku ku habsadaan waana sababta aan uga saarayo ku lug lahaanshaha fadeexaddan waxaana si deg deg ah uga codsaneynaa:-

Si loo qanciyo Ummadda Soomaaliyeed ee Isboortiga jecel waa In la soo saaro go’aan ka soo baxa FIFA oo caddeynayaa inuusan jirin Xiirka Soomaaliyeed kubbadda cagta.

Si aanu u dhummin xiriirka shaqo ee FIFA iyo soomaaliya waa in si deg deg ah loo magacaabo guddi wada jira oo ka kooban FIFA, CAF iyo qaar laga soo xulay soomaalida dhexdeeda iyadoo loo fiirinaayo daacadnimadooda,aqoontooda Isboorti iyo inay yihiin kuwo muuqaalkooda laga dheehan karo u dhammaanshaha qeybaha kala duwan ee soomaaleed, dibadda iyo gudaha meeshay doonaan ha ku sugnaadaanee.

In la magacaabo guddi baaritaan oo deg deg ah kana kooban khabiiro soomaali iyo Ajaaniib ah intaba, oo daba gal ku sameeya fadeexadaha aan sare ku soo sheegnay lana siiyo dhammaan awoodaha ay uga baahan yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo.

In la magacaabo guddi ka soo tala bixiya qaabka ugu wanaagsan ee loo soo dhisi karo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta iyadoo lays waafajinayo siyaasadaha guud ee FIFA iyo dhaqanka bulshooyinka kal duwan ee soomaalida waxaana lagama marmaan ah in guddigaasi noqdo mid isgu jira soomaali iyo aqoon yahanno ka socda FIFA. F.g cid guddigaas ka mid noqotay berri maamul kama qaban karto xiriirka ay taladiisa leeyihiin.

Waxaan mar labadaad labada oday SIR PLATTER & ISSA HAYATU ka codsaneynaa inaysan sahashan dhibaatan labaatan jirsatay oo xambaarsan fadeexad soomaalida dhexdeeda shaki kala gelisay isla markaan keeni karta inay ummadda soomaaliyeed gebi ahaanba ka aamin baxdo XIRIIRKA K/CAGTA EE CAALMKA (FIFA) iyo XIRIIR GOBOLEEDYADIISA ee uu ugu horreeyo midka Afrika ee CAF, waxaan ku kalsoonnahay inaad u guntan doontaan wax ka qabashada arimaha aan sare ku soo sheegnay.

Wabillaahi towfiiq.
Inj. Cabdi Jiinow Calasow
Guddoomiyaha Naadiga Dekadaha

Mohyadin Jama
Somaliweek
Toronto