Maxmed Shiikh oo loo magacaabay macalinka gabdhaha xulka qaranka k/koleyga


TORONTO Wareegto si rasmi ah uga soo baxday XSKK uuna ku saxiixan yahay guddoomiyaha XSKK Ibrahim Xuseen Cali Roombo, ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Shiikh Muuse oo loo yaqaan Holoqsane,Tababaraha gabdhaha xulka qaranka kubadda koleyga Soomaaliya,Maxmed Shiiikh waxaa uu ka mid ahaan jiray cayaartoydii hore kubadda koleyga naadiyadii heerka kowaad iyo xulka qaranka,haddana wuxuu ku shaqeeyaa xirfadiisa kubadda koleyga isagoo macalin u ah kooxda kubadda koleyga oo ah ciidamada dalka Qatar

Maxamed Shiikh Muuse waxaa si weyn u soo dhawaayay dhammaan bahda kubadda koleyga Soomaaliya kuna tilmaamay Maxamed Shiikh in uu yahay shaqsi howl kar ah oo waliba wadani ah kana soo dhalaali kara xilka iyo wajibaadka loo dhiibay,Sidoo kale waxaa si daba jooga ah ugu soo qul qulaya kaydka fariimaha idaacadan Somaliweek hambalyo iyo bogaadin ku socota Tababare Maxamed Shiikh Muuse Holoqsane

Xoghaye Siciid Faarax-Macalin Cumar Baarajab & Macalin Max'ed Shiikh


The Best Somali National basketball Team Ever Put Together 1981

Bahda Kubadda Koleyga Toronto oo soo dhaweeyay Macalin Max'ed Shiikh Muuse


Wareegtada Lagu Magacaabay Macalin Maxamed Shiikh Muuse oo sidan u qoran


Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto