Wareysiga Mulka Nuur Muudey Xiddigtii Jeenyo iyo Xulka Qaranka K/Koleyga


TORONTO Waxaa todobaadkan Somaliweek marti noogu ah Mulki Nuur Muudey oo ka mid ahayd xiddigihii gabdhaha kubadda koleyga sida weyn looga yaqaanay dalka Soomaaliya,waxayna u soo cayaartay kooxda kubadda koleyga Jeenyo iyo Xulka Qaranka Soomaaliya,Mulki Nuur Muudey kubadda koleyga ka hor waxay ka mid ahayd cayaartoydii xulka qaranka dabaasha oo cayaaro caalami ah uga qeyb gashay

Mulki Nuur Muudey waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay magaaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Cabdulcasiis Kaambo oo runtii ahayd xaafad caan ku ahayd isboortiga,waxaana ku yiilay garoomadii Conis iyo Luujino ama 21 Oktoobar,sidoo kale xaafadda Kaambo waxay caan ku ahayd xeebti liido,intaasi oo dhammi waxay ku tuseysaa in Mulki Nuur Muudey ay si gaar ah ugu soo barbaartay isboortiga

Mulki Nuur Muudey waxay si guud uga warantay xaaladeeda iyo dhaqdhaqaaqyada isboortiga ee hadda ka jira magaalada Muqdisho,Waxay kaloo sheegtay in aysan ka tirsanayn ururka badbaadada isboortiga ee ka dhisan magaalada Muqdisho,waxayna la shaqeysaa kooxda Heegan oo hoos tagta XSKK

Macalin Cumar Baarajab -Mulki Nuur Muudey-Macalin Shiino Guhaad

Mulki Nuur Muudey iyadoo ka faa'iidey-saneysa fursadda ay u heshay idaacadda Somaliweek waxay si gaar ah mahad ugu celisay magacalinkeedii kooxda Jeenyo Cumar Cabduqadir Baarajab iyo macalinkeedii xulka qaranka Soomaaliya Cabdiraxman Maxamuud Guhaad Shiino,ugu dambeyntiina waxay mahad celin u soo jeedisay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka GOS, Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Duran Axmed Faarax

Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto