Cumar Baarajab oo ka qeyb galay shirkii All Arab Games Doxa Qatar


TORONTO Tababaraha xulka qaranka wiilasha kubadda koleyga Soomaaliya,Cumar Cabdulqadir Baarajab ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar Soomaaliya uga qeyb galay shir loogu gogol xaarayo tartanka All Arab Games oo la filya in uu ka dhaco dalka Qatar bisha December 2011

shirkaasi oo bilowday bishan June.27,waxaa ka soo qeyb galay dhammaan wadamada jaamacadda carabta marka laga reebo dalkka Yamen,Cumar Baarajab waxaa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad aad u dheer oo si wanaagsan ugu riyaaqeen una soo dhaweeyeen dhammaan waafuuddi shirkiisi joogtay,waxaana Soomaaliya loo ogaaladay in ay uga qeyb galaan tartanka kubadda cagta & kubadda Koleyga,waxaana loogu deeqay in muddoo laba todobaad ah ay tababar ku qaataan dalka Qatar ka hor inta aysan bilaaban cayaaraha All Arab Games

Waxaa Somaliweek wu suurta gashay in ay wareysi dheer la yeelato madaxa wafdigga Cumar Cabdulqadir Baarajab,waxaadna ka dhageysan kartaa wareysigaas marka aad furto boggan













Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto