Wareysiga Guddoome Cumar Dheere Guddoomiyaha Leicester United TORONTO Waxaa Somaliweek xog-wareysi dheer oo dhinac badan taabanaya la yeelatay guddoomiyaha Leicester United Cumar Xasan Maxamed oo loo yaqaan Cumar Dheere
Wuxuu ka waramay guulahii isdaba jooga ahaa ee kooxda Leicester United ka gaartay tartamadii ka dhacday dalka UK iyo Sweden,Kooxdu waxay si xarago leh ugu guuleysatay koobkii horyaalka Super Cup ee lagu qabtay magaalada Leicester iyo koobkii sanadlaha ahaa ee ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden
Guddoomiye Cumar Dheere wuxuu kaloo ka waramay safar uu ku aaday Soomaaliya iyo waxa uu kala soo kulmay,wuxuu kaloo carabka ku dhuftay guud ahaan arimaha isboortiga gudaha iyo dibada