Wareysiga Axmednur Seyga Guddoomiyaha Mideynta Isboortiga Qurba Joogta TORONTO Waxaa magaalada St Louis ee gobalka Missouri dalka Mareykanka safar ku yimid Axmed Nuur Maxamed Xaashi (Seyga Ruushka) ahna guddoomiyaha ururka mideynta qurba joogta isboortiga Soomaaliyeed fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka UK
Hadaba waxaa guddoomiye Seyga xog-wareysi gaaban la yeelatay somaliweek isagoo si guud uga waramay safarkan uu ku soo gaaray Mareykanka ,wuxuu kaloo ka waramay sida ururkan mideynta ay ugu soo hirteen dhammaan bahda qurba jooga isboortiga
Waxaa kaloo uu ka waramay waxa ka jira in Cabdulqadir Isoomaaray oo ahaa guddoomiye ku xigeenka ururka mideynta qurba jooga isboortiga uu iska casilay jagadaas,sidoo kala waxaa uu jawaab ka bixiyay eedeyn uu hore u soo jeediyay guddoomiyaha Leicester United Cumar Dheere oo ku tilmaamay xaafadda Wembley in ay tahay Cabdalla Shideeyaha isboortiga Soomaaliyeed ahna meesha laga dhoofiyo jaha wareerka iyo khilaafka isboortiga