Wareysiga Busuri Maxamed Xaaji Tababare AAMO oo Jooga Magaalada Jeddah TORONTO Waxaa todobaadkan Somaliweek marti noogu ah Busuri Maxmaed Xaaji oo loo yaqaan AAMO ahaana cayaartoydii ugu horeystay ee la kowsaday kubadda koleyga Soomaaliya,wuxuuna Tababare Aamo macalin u soo noqday kooxdii gabadhaha kubadda koleyga Dowladda Hoose iyo Eneeya,Tababare Aamo waxay isku waqti ahaayeen soona wada cayaareen Aaddaamo,Ciise Dheere,Cumar Riingo,Cali Xamari
Tababare Aamo wuxuu aqoon aad u durugsan u leeyahay xagga tababarka kubadda koleyga iyo khibrad uu ka hala haray mar ay magaalada Muqdisho kuwada cayaareen koox kubadda koleyga oo ka socday NBA-da dalka Mareyskan ayna ka mid ahayeen Kariim Cabdulkjabaar iyo Oscar Robertson