Wareysiga Abdirisaq Abdulle Calasow

Guddoomiyaha Kooxda SUKAO Norway

Dhageyso Wareysiga Guddoomiye Abdirisaq Calasow

TORONTO Waxaa wareysi dheer Somaliweek siiyay Abdirisaq Abdulle Calasow oo ah guddoomiyaha kooxda SUKAO ee ka dhisan magaalada Oslo dalka Norway oo ka mid ahaan jiray kooxaha ka qeyb gala cayaaraha xiliiga kuleelaha ay qabtaan urur weynaha EUROSOM,haddana sheegay in ay isaga baxeen EUROSOM

Guddoomiye Abdurisaq calasow wuxuu ugu horeyntii si guud uga waramay kooxda SUKAO iyo heerarkii kala duwaa ay soo martay,dadkii ka soo shaqeeyay,wuxuu kaloo ka waramay in markii hore ay ka cayaari jireen dhinaca SUEKI ka dibna ay u soo wareegen EUROSOM ka dib markii ay aad uga helaan maamul wanaaga iyo soo dhaweynta weyn ay u fidiyaan kooxaha dhinacooda ka cayaara iyo madaxdoodaba

Guddoomiye Calasow wuxuu aad uga dayriyay xoghaya ururka EUROSOM Mudane Loolow oo uu sheegay in sababta ay go’aanka u qaateen in ay isaga baxaan EUROSOM ay tahay asaga dartiis taas oo uu ku miceenyay cadaaladaro isa soo tareysay oo mar walba soo baxaysay ,wuxuu kaloo guddoomiye Calasow sheegay in laba sano oo isku xigta in ay la soo daaheen lacagtii laga rabay in ay bixiyaan ka dibna go’aanka noqday in hal sano la ganaaxo kooxda SUKAO ,macalinkoodii Muuse Jabuutina laga mabnuuco gabi ahaanba cayaaraha EUROSOM,iyadoo ay jirtay in kooxo badan oo aan haba yaraatee laga qaadin lacagta iyo kooxo aan dhowr sano ka soo qeyb galin ay si caadi ah uga qeyb galaan cayaaraha EUROSOM

Guddoomiya Abdirisaq Calasow wuxuu sheegay in hadda ay waan waan socoto oo ay filayaan kooxdooda SUKAO ay u wareegaan dhinaca urur weynaha SUEKI ayna rajo weyn ka qabaan in waan waantaas lagu guuleysan doono haddii Allah idmo

Ugu dambeyntii guddoomiye Calasow wuxuu kala dardaarmay EUROSOM haddii ay dhaqankooda wax ka badali waayaan in kooxaha wali ku haray dhinacooda ay mari doonaan halka ay SUKAO martay ,wuxuu kaloo Calasow la dardaarmay kooxaha ka cayaara EUROSOM in ay indha furaan oo foojignaan weyni muujiyeen

Hadaba Somaliweek waxay ku isku dayi doontaa bal in ay dhageysato dhinaca urur weynaha EUROSOM waxa ka jira eedeynta uga timid maamulka SUKAO

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto