Cayaaro somaliweek cusub oo Toronto lagu qabtay

TORONTO Waxaa shalay oo taariikhdu aheed June.28.2009 ,lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee loo yaqaan BMO,hoyna u ah kooxda kubadda cagta TORONTO FC,cayaaro todobaadka somalida ah ,oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro si gaar ah isu xilqaantay oo kala,Liban Sharif iyo Sheikh Mohamud,waxaa taageero weyn la garab taagnaa qaar ka tirsan cayaartoydii hore ee somaliya sida Cumar Ganjab iyo Cantar Jeenyo,waxaa kaloo meesha si gaar ah uga muuqday,Hassan Colow,Hassan Dahir,Abdulkadir Joof ,Codka iyo Abdullahi yusuf





Waxaa cayaartii kowaad dhex martay laba kooxood oo ku kala cayaarayay magacyada SEIF FC iyo IFTIN,cayaartaas oo xiiso gaar ah laheed,ayaa waxay ku soo gabagabowday 0-0

Cayaartii labaad oo aheed mid si gaar ah loo sugayay ayaa waxay dhexmartay Somalia iyo Ethiopia ,cayaartoydii ku cayaareysay magaca Somalia,waxay ka kala yimaadeen kooxaha BANADIR iyo SOMALI UNITED









Cayaartaas oo aad loo sugayay ayaa ku bilaabatay si xiiso badan,iyadoo dadka inta badan ay filayeen in kooxda ku cayaareysay magaca dalka Ethiopia oo iyadu ku jirtay kooxaha sida joogtada ah uga qeyb galaya tartamada ka dhacay magaaladan Toronto ,ayaa si lama filaan ah waxay cayaar aysan farsamadeeda fileyn kaga hortageen kooxdii ku cayaareysay magaca Somalia,cayaarta qeybtii hore waxay ku dhamaatay 2-0 ay Somalia ku horeysay,iyadoo labada goolba uu u saxiixay Somalia,cayaaryahanka la yiraahdo Guled oo u safta kooxda Somali United,kana mid ah cayaartoyda ka timid dalka UK

Cayaarta qeybtii labaad markii leysugu soo laabtay ayaa waxaa laga dhaliyay goolkii seddexaad ,waxaana somalia u saxiixay cayaartoyda la yiraahdo Kamal oo isna ka tirsan kooxda Somali United,kana yimd dalka UK















Dhalinyaradan oo soo qaban qaabisay cayaartan furtaanka ,waxay sheegeen in cayaaraha inta kala ay ka dhici doonaan haddii alla idmo garoonka loo yaqaan SOCCER CITY ,cayaarta FINAL ka ahi waxaa iyaduna ka dhici doontaa garoonka weyn ee caalamiga ah BMO oo hoy u ah kooxda TORONTO FC

Waxaan idinka haynaa wareysi badan oo somaliweek la yeelatay qaar ka tirsan cayaartoyda,macalimiinta iyo Cumar Ganjab

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto