Taariikhada Tababaraha Xulka Qaranka Wiilasha Kubadda Koleyga Soomaaliya


TORONTO Waxaa dhawaan loo magacaabay macalinka xulka qaranka wiilasha kubadda koleyga Soomaaliya Cumar Cabdulqadir Baarajab,magacaabsita macalin Cumar Baarajab si weyn ayay u soo dhaweeyeen bahda isboortiga gudaha iyo dibadaba gaar ahaan dhanka kubadda koleyga

Waxaa Somaliweek u suurta gashay in wareysi dhinacyo badan taabanaya in ay la yeelatay tababaraha cusub ee xulka qaranka wiilasha kubadda koleyga Soomaliya Cumar Cabdulaqadir Baarajab oo degan magaalada Dubai ee dalka UAE,Wareysigaas oo maqal ah waxaad ka dhageysan kartaa boggan Somaliweek













Cabdirashiid Balaastiko & Macalin Cumar Baarajab

Cabdirashiid Balaastiko & Macalin Cumar Baarajab


Taariikhda Macalin Cumar Cabdulqadir Baarajab

Cumar C/qaadir BAARA-JAB wuxuu ka soo jeedaa qoys sport, aabihiis C/qaadir BAARA-JAB wuxuu guddoomiye ka noqdey XSKK, taasina waxay tilmaan u tahay in qoys-kani yahay mid abtirsiimo u leh sportiga.

Tababaraha wiilasha kubadda koleyga Cumar C/qaadir BAARAJAB ayaa ku dhashey magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho sanadku markii uu ahaa 1962-dii, wuxuuna ku dhashey degmada Shibis gaar ahaan xaafadda Bilaajo Carab ama Maanoboolyo.

Waxbarashadiisi heerka hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatey iskoolkii Shibis, waxbarashadiisii sarre-na wuxuu Cumar BAARA-JAB ku qaatey dusigii sarre ee 15-ka May.

Tababare BAARA-JAB waxbarashada intaas kagama harin wuuna sii watey, weliba isagoo ah ciyaartoy heerka 1-aad ah, wuxuuna sanadkii 1987-dii ayuu ka qalin jebiyey Mac-hadkii maamulka iyo maareyn-ta ee SIDAM, wuxuuna Somali Institute Development Administration and Management ka qaatey shahaado la xiriirta xisaabaadka iyo maamulka.

Xagga ciyaaraha haddii aan eegno Cumar C/qaadir BAARA-JAB yaraantiisii ayay ka muuqatey hibadda uu u leeyahay kubadda koleyga, taas ayaana keentay inuu sanadkii 1974-tii kamid noqdo kooxdii Mini Basket-ka ee Degmada shibis, labo sanno kadib waa sanadkii 1976-dii-yee wuxuu ka qeyb qaatey ciyaarihii dugisyada, isagoo u safety dugsisii dhexe ee Shibis. Cumar BAARA-JAB wuxuu u gudbey heerka labaad ama Junior-ka isagoo ku biirey kooxdii kubadda koleyga ee Wasaaraddii Howlaha guud iyo guryeyn-ta Jeenyo sanadkii 1977-dii, sanad kadib-na heerka 1-aad ayuu ka dhex muuqdey iyo garoonkii kubadda koleyga ee 21-kii Oktoober Ex Luigino.

Xilliba xilliga ka dambeeya BAARA-JAB wuxuu soo ban-dhigayay farsamo sarreysa, gaar ahaana wuxuu muujinayey hibada uu u leeyahay qeybinta kubadda koleyga, 1979-kii ayuu Cumar C/qaadir BAARA-JAB ka mid noqdey ciyaartoyda kubadda koleyga ee matalayey Qarankii Soomaaliyeed, wuxuuna ka mid ahaa illaa iyo 1988-dii markaas oo uu dalka ka soo tegay.

Isagoo ah ciyaar-yahan ayuu Cumar BAARA-JAB noqdey tababare, wuxuuna sanadkii 1982-dii tababare u noqdey gab-dhihii kubadda koleyga ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxay-na ku guuleys-teen kaalinta koowaad, sanadkii ku xigey-na wuxuu tababae u ahaa gab-dhihii gobolka shabeelaha Hoose.

1984-tii illaa iyo 1988-kii wuxuu BAARA-JAB macalin u wada ahaa gab-dhaha kooxda Jeenyo iyo wiilasha gobolka Banaadir, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu gab-dhaha Jeenyo la qeyb-sadey farxadda guusha ee horyaalka iyo Jen. Daa’uud 1986-dii illaa 1988-kii, sidoo kalena wiilasha Banaadir ayuu la qeyb-sadey guusha kaalinta 1-aad ee ciyaarihii gobolada intii u dhexeysay 1984-tii illaa iyo 1988-dii.

BAARA-JAB oo lagu xusuusto kubadda oo uu ku gaardiyo markii ay kooxdiisu dhibco badan ka hormarto kooxda ka soo hor jeeda, wuxuu ka qeyb qaatey, welibana uu si weyn uga dhex muuqdey tartamadii xidigaha kubadda koleyga ee la qabtey 1986-dii illaa iyo 1988-dii, gaar ahaan BAARA-JAB waxaa mar kasta maskaxdiisa ku weyn xusuusta tartankii xidigaha ee 1988-dii oo uu hor jooge ama Captain u ahaa kooxdii SEPCOM oo iyadu hantisey guushii xidigaha, maxaa yeelay wuxuu noqdey kubad qeybiyihii ugu wanaagsanaa xidigihii ka qeyb galey tartankaasi, sidoo kalena wuxuu tartankaasi noqdey midkii ugu dambeeyay ee uu BAARA-JAB ku ciyaaro garoonkii dadnaa ee Stadio Muqdisho.

Cumar C/qaadir BAARA-JAB wuxuu dalkii hooyo ka soo baxey November ee 1988-dii, illaa iyo markaas-na wuxuu ku noolaa dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai, BAARA-JAB halkiisi ayuu ka sii wadey how-shiisii sport, 1989-kii illaa iyo 2003-dii wuxuu tababare u noqdey naadiga Shabaab ee ka dhisan magaalada Dubai, naadiga kale ee Al Ahli ee isna ka jira magaalada Dubai ayuu tababare u noqdey 2004-tii illaa iyo haddana naadigaas ayuu tababare u yahay.

Sidoo kalena BAARA-JAB 1989-kii illaa iyo imminka wuxuu Police-ka Dubai u yahay tababare, wuxuu kaloo Police-ka Dubai ka caawiyaa xagga jir dhiska.

Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto