Bahda Isboortiga Toronto oo soo dhaweysay Abdirashid Bakin

TORONTO Waxaa habeenimadii Talaadada oo taariikhdu aheed July.27/2010,lagu qabtay hoteelka weyn ee lagu magacaabo Holiday Inn,kuna yaaal magaalada Toronto,xaflad weyn oo si heer sare ah loo soo agaasimay,laguna soo dhaweynayay guddoomiye ku xigeenka cusub ee XSKC,Abdirashid Hassan Hersi Bakin,oo bisha July.17.2010 si rasmi ah loogu magacaabay in uu qabto xilkaas mas’uuliyada weyni huwan
DAAWO PART ONE
<
DAAWO PART TWO
Khudbadii Abdirashid Hassan Hersi Bakin

Macalin Tuke & Macalin Abdi Dheere

Cantar Jeenyo & Muqtar Cutti

Burhan & Sh.Abdiqaliq

Ahmed Mire & Bashi Ali

Ali Gurey & Abdi Depitate


Waxaa xafladaas soo dhaweynta guddoomiye ku xigeenka XSKC,Abdirshid Hassan Hersi Bakin,soo qaban qaabiyay dhammaan bahda cayaaraha Toronto iyagoon u kala harin,uuna hogaaminayay rug caddaagii weynaa ee kubadda cagta Soomaaliyeed macalin Abdullahi Hassan Tuke




Ugu horeyntii xafada waxaa si wanaagsan u xiriirinaya Ahmed Mire kana tirsan bahda warbaahinta oo ka hawlga magaalada Toronto,wuxuuna ku soo dhaweeyay cod baahiyaha Sh Abdiqaliq,oo ku furay xafladaas ayaadaha Qur’aanka kariimka,ka dibna halkaas ka soo jeediyay wacdi diini ah,dadkii halkaas isugu yimidna xasuusiyay cabsida Ilahay,kuna adkeeyay in ay xafidaanka xiriirka ay la leeyihiin Ilahay taas oo ah buu yiri Sheekhu shanta Salaadood







Somali United Manager Mohamed Yare & Abdirashid Bakin
Ka dib waxaa halkaas ka bilowday khudbooyinkii ay sida isdaba jooga uga soo jeedinayeen bahda isboortiga reer Toronto,oo kuligood u qiray guddoomiye ku xigeenka cusub ee XSKC Abdirashid Hassan Hersi Bakin in uu yahay shaqsi u qalma in xilkaas uu qabto,waliba uu muddo yar guddahood isbadal la taaban karo ka keeni karo XSKC
Waxaa xafladaas soo dhaweynta laga akhriyay taariikhdii Abdirashid Hassan Hersi Bakin,taas oo dadkii goobt joogay dhammaan aad u soo dhaweeyeen xilkasnimada,daacadnimada,wadaninimada iyo sida uu dadka ugu nugul yahay,in uu yahay kii isku keeni lahaa bahda kubadda cagta
Ka dib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka cusub ee XSKC,Abdirashid Hassan Hersi Bakin,oo ugu horeyntiiba aad uga mahad celiyay bahda isboortiga guud ahaan Canada gaar ahaan magaalada Toronto,sida qalbi furnaanta leh ee ay u soo dhaweeyeen markii loo magacaabay xilkaas loogu dhiibay ummmada Sooaliyeed dhanka kubadda cagta








Wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay 25 kooxood ee ka dhisan magaalada Muqdisho si ay cod midaysan ugu siiyeen in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka XSKC,wuxuuna balanqaaday in uu si hagar la’aan leh ugu shaqeyn doono ummada Soomaliyeed,wax walbo keeni karo mugdi iyo kala shaki meesha uu ka saari doono haddii Allah imdo
Guddoomiye ku xigeenka XSKC Abdirashid Hassan Hersi Bakin,wuxuu kaloo u hambalyeeyay guddoomiyaha XSKC Siciid Mugaabme ,ku xigeenadiisa iyo xoghayaha XSKC Abdiqani Siciid Carab
Hadaba dhammaan khudbooyinkii halkaas laga soo jeediya oo maqal iyo muuqaal ah ,waxaad ka heli kartaan isla boggan somaliweek.com
Mohyadin Jama
Somaliweek
Toronto
|