![]() ![]()
|
![]() Dhageysi Maxamud Ismaciil,Axmed Bile,Axmed Tigana & Cabdifataax MarayareTORONTO Waxaan todobaadkan ku soo qaadaneynaa horumarinta kubadda cagta iyo sidii looga faa’iideysan lahaa qibradda iyo aqoonka cayaartoydii hore ee xiligii barisaamaadka kuwaooda ku nool qurbaha iyo dalkaba Waxaana nagala qeyb galaya barnaamijka Maxamud Ismaciil oo ah xoghaya ururweynaha SSAUK oo ay ku bahoobeyn cayaaroydii hore kuwooda ku nool dalka UK,Maxamud Ismaciil wuxuu ka mid ahaa xiddigii hore ee kubadda cagta,haadana waa tafaftiraha bogga cayaaraha.com,wuxuuna degan yahay magaaalada London dalka UK Axmed Bile waa macalinka kooxda kubada cagta Ilamos,kana mid ah kooxaha ugu caansan ee ka dhisan qurbaha gaar ahaan magaalada London ,waxaa kaloo kooxda macalin u ah Laacibkii weynee ee kooxdkii Muqdisho xiligii barisamaadka Sakariya Baliile,Ahmed bile wuxuu kaloo ka mid ahaa cayaartoydii kooxdii kubadda koleyga Jeenyo LLPP Ahmed bile wuxuu degan degan yahay magaalada London ee dalka UK Ahmed Tigaana oo ka mid bahda isboortiga xaafada Southall ee magaalada London isla markaana ah abwaan goorwalba hab sugaaneed ku soo bandhiga magaca iyo maamuska weyn ee ay leeyihiin cayaartoydii hore ee Soomaliyeed ,Axmed Tigana wuxuu degan yahay magaalada London Abdifataax Marayare oo ka mid ah maamulayaasha tartanka cayaaraha todobaadka Soomalida Somaliweek toronto 2011,wuxuuna degan yahay magaaladan toronto ee dalkan Canada Muxiyadin Jamac Somaliweek Toronto |