Talaabo Ku Dayasho Mudan Ururka CYDMS Toronto Canada
The More You Sweat In Practise The Less You Bleed In Battle
TORONTO Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ka dhisan urur lagu magacaabo Center For Youth Development & Mentoring Service,kaas dhalinyarada u qabta adeeg aad u balaaran oo isugu jira ka caawinta waxbarashada iyo in ay helaan garoomo kubadda koleyga ah oo tababaro iyo tartamo loogu qabto
Waxaa ammaan iyo bogaadin mudan dhalinyaradii suurta in ay dhisaan in ururkan howlahaas wax ku oolka ah qabta,waxaana ka mid ah dhlinyadaas Cali Sheikh Abukar,Cabdifatax Aadan Warsame (Marayare),Sadiiq Cali Xaashi iyo Cabdiqani Maxamed
Waxaana idiin balanqadeynaa haddii allah idmo waxqabada iyo horumarka la taaban karo ee urukan Center For Youth Development & Mentoring Services u qabto dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Toronto ee dalkan Canada