![]() ![]()
|
|
TORONTO Waxaa si rasmi ah uga furmi doono magaalada Minneapolis ee dalka Mareykan tartan kubadda cagta ah oo lagu magacaabo African Premier Winter League oo uu soo qaban qaabiyay urur weynaha Somali American Parents Association,waxaana tartan si gaar ah xagga maamulka hogaanka ugu haya Muqtar Abdi Ismacil oo loo yaqaan Baydhabo,oo ku caan baxay sida uu mar kasta usugu xilqaamo abaabulka tartamada isboortiga oo loo qabto dhalinyarada Soomaliyeed taasoo miraheedii la arkay sanadkii hore 2009 cayaarihii todobaadka Soomalida SOMALI WEEK MINNEAPOLIS USA ![]() Dhageyso Wareysiga Muqtar Abdi Ismacil Baydhabo ![]() Dhageyso Wareysiga Mohamed Hussein BLACKY Hadaba tartankan waxaa ka qeyb galaya dhowr kooxood oo laba ka mid ahi ajnabi yihiin laguna qaban doono garoonka Concordia University Waxaa Somaliweek xog-wareysi ku aadan tartan siiyay Muqtar Abdi Ismacil Baydhabo,oo ka waramay qaban qaabada loo soo galay qabashada tartankan iyo sida ay ula shaqeeyeen maamulka kooxaha ka qeyb galaya tartan African Premier Winter League ![]() Kooxda Commonality Sidoo kale waxaa Somaliweek u waramay macalinka kooxda Commonality Mohamed Hussein oo loo yaqaan BLACKY ,oo sheegay in kooxdani tahay kooxda ugu koobabka badan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykan Mohyadin Jama somaliweek Toronto |