Kooxaha Hilac iyo Toronto Star oo Final u soo baxay
TORONTO Waxaa wali si habsami leh uga socda garoonka Soccer Center ee ku yaal magaalada Toronto ee dalkan Canada,koobkii loogu talagalay bishan barakeysan ee Ramadan,ee ay soo qaban qaabiyeen guddiga TODAY
DAAWASHO WACAN
Kooxda Hilaac
Kooxda Toronto Stars
Habeenimadii jimcaha oo bishan Aug.aheed 3/2010,ayaa waxaa wada cayaarahay kooxaha Allstars iyo kooxda Toronto Star,waxaana 2:1.ku soo badiyay kooxda Toronto Stars,oo hadda taagan cayaarta Finalka,waxaa kaloo isla habeenimadaas wada cayaarahay kooxaha sida aad ka loo sugayay ee kala ah Hilaac iyo Dixon,waxaana si xarag leh ku soo badiyay kooxda Hilaac oo uu macalin u yahay Daahir Boodaaye iyo Marshaale Hussein
Waxaana hadda cayaarta kama dambeysta taagan kooxaha Toronto Stars iyo Hilaac,waxaana cayaarahan garab socda kooxo odayaal ah oo isugu jiray cayaartoydii hore ee naadiyada heerka koowaad ee xiligii barisamaadka iyo kuwo iyagu ka cayaari jiray kooxihii lagu aasaasay tartankii Somali Week ee xiliga xagaaga lagu qabto magaalada Toronto
Waxaa runtii ammaan iyo wanaag mudan guddiga TODAY maamulkiisa oo si gaar ah isaga xilsaaray sidia quruxda badan ee cayaaraha uga socdaan magaalada Toronto