Wareysiga Kabtanka Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaliya Ciise Dheere


TORONTO Waxaa waayahan dambe isa soo tarayay guul darada xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya kala soo kulmeen tartankii isreeb reebka koobka adduunka ee lagu qabtay wareegii kowaad dalka Jabuuti,wareegi labaadna dalka Itoobiya iyo waliba tartankii bariga iyo bartamaha Afrika oo ka dhacay dalka Tansaaniya

Hadaba si wax badan looga ogaado sababaha keenay guul darooyinkaas ayaa waxay Somaliweek wareysi la yeelatay kabtanka xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya Ciise Aadan Abshir oo loo yaqaan Ciise Dheere,wuxuuna degan yahay magaalada Oslo ee dalka Norway

Kabtanka Ciise Dheere wuxuu walaac weyn ka muujiyay dhibaatada ka jirta maamulka XSKC,,taasoo keentay guul daro aan sinaba loo qaadin karin,Wuxuu kaloo Kabtan Ciise Dheere sheegay in uu kula taliyay XSKC in seddex wiil oo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Norway una cayaaro kooxo ka dhisan dalkaas,lagu soo daro xulka qaranka balse Xoghayaha XSKC Cabdiqani Siciid Carab jawaabtiisa noqotay in wiilashaasi isa soo dabaran haddii ay rabaan in ay xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya u cayaaraan

Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto