TORONTO Maqaayada bilacdasan ee ETOP kuna taal magaalada Toronto,waxaa habeenimadii Axada oo taariikhdu ahayd July.24.2011,lagu qabtay xaflad casho lagu sagootinayay garsoorihii caalamiga Cismaan Maxamuud Xalane (XARASH),iyadoo xafladaasi ay si heer sare u soo abaabuleen bahda kubadda koleyga iyo maamulka sare ee guddiga SOSCA
Waxaa casho sharaftaasi ka soo qeyb galay dad magac weyn ku leh isboortiga Soomaliya sida Macalin Tuke,Garsoore Dabdamis,Axmed Ciid agaasimihii hore ee wasaaradda isboortiga,Cabdi Dheere,Cabdirisaq Geedi,Abdi Depitate,Canter Jeenyo,Maxamed X.Uurey,Cabdirashid HoshKosh,Saciida Wariir,Sacdiyo Jakam,Xaawo Hilowle,Faaduma Jeenyo,Cabdirisaq Marayare,Sheekh Maxamuud,Axmadeey B iyo dad aad u fara badan,waxaana dhan xiriirinta hayay Axmed Cali Yuusuf Dhabaryare,xagga sawirqaadida waxaa u qaabilsanaa Axmed Tuke iyo Muxiyadiin Jaamac oo ka socday Somaliweek