Wareysiga Abdullahi Coonka

Wareysiga Abdullahi Coonka

TORONTO Waxaa somaliweek fursad u heshay in xog wareysi dheer la yeelato Abdullahi Ahmed Coonka oo ka mid ahaan jiray cayaaryahan kubadda cagta xiliyadii 1977 ilaa 1979,una soo cayaaray kooxda Batroolka ,Coonka wuxuu degan yahay magaalada Leicester ee dalka UK

Coonka wuxuu si gaaban u dul maray taariikhdiisa intii uu cayaaraha ku jiray,cayaaryahanadii ay isku waqtiga ahaan jireen iyo wuxuu kaloo Coonka si baaahsan uga waramay xafladii lagu sagootinayay qoyskii Allaha u naxariistee macalinii xulka qaranka kubadda koleyga Soomaliyeed Omar Mohamed Omar Anyeelo,oo ka koobnaa Hooyo Deeqo iyo shanteeda caruur oo u guurayay dalka Holland



Ugu horeyntii Abdullaahi Coonka wuxuu sheegay xafladaas oo lagu qabtay Santa Mathous Sports Center ee ku taal magaalada Leicester,waxaa si wadajir ah agaasinkeeda guud uga soo shaqeeyay ururada kala ah ,Leicester Somali Sports Association,Leicester Stars iyo Puntland Youth & Sports Association ,kuna martiqaaday xafladaaas marti sharaf badan oo ka kala yimid meelo kala duwan

Coonka wuxuu mahad gaar ah u celiyay asagoo ku hadlaya magaca guddiga qaban qaabada xafaladaas lagu sagootinayay qoyskii Marxuum Omar Anyeelo,dhammaan martidii ka soo qeyb gashay waliba wuxuu mar kale amaan iyo bogaadin u jeediyay maamulka ka dambeeyay qabashada xafladaas taariikhiga aheed oo kala ahaa Leicester Somali Sports Association, Leicester Stars & Puntland Youth & Sports Association



Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto