Sidee buu ku iman karaa horumarka isbpoortiga Soomaaliyeed?.

LONDON Sportigu waa ban-dhig xirfadeed lagu soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq xagga jirka ah, xirfad ciyaareed kasta oo dunida ka jirta kooxda ama qofka soo ban-dhigaya hubaal waxay u baahan yihiin inay helaan agabyada iyo imkaaniyaadka lagama maarmaanka u ah xirfadooda, haddii ay waayaana ma dhaceyso inay si reysa oo lagu diirsado u soo ban-dhigaan mihnadooda sport, maxaa yeelay askarigu dagaal ma geli karo Hub la’aan, ardeyguna wax ma baran karo Buug iyo Qalin la’aan, nooca cudurkana lama ogaan karo Sheybaar la’aan, ciyaar-yahankuna ma soo saari karo hibadiisa sport haddii uusan heysan waxyaabaha daruuriga u ah (jir ahaan iyo caqli ahaan-ba).
Sida la xusuusan yahay sportiga Soomaaliyeed waayihiisii ugu wanaagsanaa waxay ahaayeen intii u dhexeysay Todobaatanaadkii ilaa iyo bilowgii Sideetanaadka, taasina waxay ku timid wadcigii ay markaas ku sugneyd Ummadda Soomaaliyeed, arrintani waxay maankeena dareen-siineysaa in horumarka sportigu uu yahay mid ku xiran oo la jaan-qaadaya waayaha ay bul-shadu dhex maquuraneyso, waxaa la yiraahdaa UUR KU JIRKU CALOOSHA HOOYADII AYUU KU GOWRACAN YAHAY, sidaas daraadeed haddii sportiga Ummaddiisu gabto wuxuu noqonayaa mid guusha GABLAN ka ah.
Sida ay dadka qaarkiis qabaan dagaalada iyo dowlad la’aantu maaha sababaha ugu cad-cad ee keeni kara in sportigu noqdo GABLAN, taas waxaa nooga filan heestii Axmed Naaji ee oraneysay BAH-DAAN NAHAY SPORTIGA, BAR KASTABA CIYAARAHA, WAA NALAGA BADIN JIREY, WAXA BELAAYADA DHIGEY, AMA BAASAHAA DHALEY, QALBIGAA BUKAAN QABEY, heestu waxay tilmaameysaa in xilligii dowlada rayidka ahi ay talada dalka heysay sportigu aanu helin ahmiyaddii uu mudnaa, taasina ay markaas keentay inuu sportigii Soomaaliyeed GABLAN ka ahaado xagga guusha caalamiga ah.
Haatan oo uu dalku ku sugan yahay gabaa-hirig cidlo ah, lugahana uu kula jiro dagaalo kol-ba weji yeelanaya, haddii aan lagu hadleyn CARAB DALAB LEH sportigu waa shucladda keliya ee ka dhex ifeysa gudcurka ku gedaaman guud ahaan dalkeena, gaar ahaana Caasimadda iyo inta la ologa ah, waxay mar kale tani na xusuusineysaa in dagaalada iyo nidaam la’aantu hakin karin geedi socodka sportiga haddii ay bul-shadu diyaar u tahay inuu sportigoodu tis-qaado, isla markaas-na uu libin tiigsado.
Haddii aan runta laga in-dho qarsaneyn, xaqiiqadana sida ay tahay loo wajahayo, waxaa muuqda oo bidhaamaya inay Soomaalidu heysato fursado ay kor ugu qaadi karaan sportiga, dhab ahaantii fursadahaasi waxay ka jiraan QURBAHA, markaas inta xaalku sidaan yahay horumar uu gaaro sportiga Soomaaliyeed waa mid ku xiran dadaal hagar la’aaneed oo ka yimaada qurbo joogteena, laakiin imminka ma muuqdaan ifa-faalayaal muujinaya in dibad jooga Soomaaliyeed u darban yihiin qaadashada kaalinta kaga aadan sidii loo horumarin lahaa sportiga.
Waxaad moodaa xaalka qurbo joogtu inuu yahay BIL CAKSI, halkii laga filayey inay fursadaha gacantooda ku jira uga faa’iideeyaan sportiga dalka, waxay qurbo joogta badankood u heelan yihiin DANO SIRGAXAN iyo wax aanay sportiga Soomaaliyeed dan ugu jirin, tiiyoo ay sii dheer tahay inay kala qeyb-san yihiin oo ay iska soo hor jeedaan, aad-na dareemi karto inay si koox koox ah ugu mash-quulsan yihiin howlo ay iska cadahay danta laga leeyahay, oo ah gaaritaanka maamulka sarre ee sportiga Soomaaliya.
Sida ay waayo’aragnimadu na bareyso marka kasta oo lagu mash-quulo eedeyn-ta hay’addo shaqeynaya, waxaa ku lammaan DAMAC iyo DOONIS laabta uga daabacan kuwa wax eedaynaya, taas-na horey ayaan ugu soo aragney dhanka siyaasadda, haatana inta ku howlan farsamadaas iyada ah waxaa u wanaagsan ineysan waqtigooda iyo dhaqaalahooda ku lumin eedeyn iyo far ku fiiqid wax kale wehliyaan, waana inay ogaadaan dadku ineysan aheyn MOOGEYAAL wax walba la marsiin karo.
Koox kasta oo ka mid ah qurba joogta sportiga intii aanay bad kale gelin qiimeyn ha isku sameeyaan iyagu, haddii ay u soo baxdo inay wax muuqda ka geys-teen horumarinta sportiga,markaas waxay dow u leeyihiin inay wax dhaliilaan, haddiise ay u soo baxdo inaysan ku taagneyn wadadii lagu horumarin lahaa sportiga dib ha uga joogsadaan eedeyn-ta aan micnaha ku fadhiyin, hana is xusuusiyaan YEERI YEERI YAM, YAXAAS KU QAADYEE SHIB.
Horumarinta sportiga Soomaaliyeed kuma imaan karto in la adeegsado wadiiqo khaldan si loo gaaro GAMBARKA GOS, kor u qaadida ciyaaraha Soomaaliyeed kuma imaan karto iska hadal meelaha looga hadaaqo, dhinaca kalena sportiga Soomaaliyeed maaha wax lagu hanan karo KUMIYAAL lagu bixiyo dacaayado iska raqiis ah, dadka sidaas aaminsan waxay hilmaameen darajada qofku gaarayo inay tahay wax ku yimaada siinta EEBBE, markaas waxaa u haboon inay aayaha dambe iyo mustaqbalka soo socda ku xisaabtamaan, dadaalkoodana u weeciyaan wax u qabashada da’ yarta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, taas ayayna wanaag ku rajeyn karaan aakhiro iyo adduun-ba.
Sportiga Soomaaliyeed wuxuu horumar ku hiigsan karaa in aan la isku mash-quulin JAGO iyo mas’uuliyad, taas bedelkeedana inay haboon tahay in maal, maskax iyo muruq la geliyo sidii jiilka soo koraya ee ku nool qurbaha looga soo saari lahaa qaar badan oo leh hibbo sport, taasoo keeni karta inuu sportiga Soomaaliyeed helo halyeeyo matala magaciisana kor u qaada, qormadan waxaan ku soo khatimayaa tuducda suugaaneed ee oraneysa SEBENKII XUMAADABA RAG BAA SAHEYDA NAANEYSEE, taasoo ay isku eg yihiin waxa ii muuqda ee ah magacyo u bixi doona kuwa abaabulaya mu’aamaradaha ujeedadoodu tahay XIL DOONKA, ar maa la joogo intaan la aafoobin.
C/naasir Dalmar Maxamed. =SHAMSUDDIIN=
Shamsuddiin64@yahoo.co.uk
London
|