Wareysiga Cabdiqani Siciid Carab Xoghayaha Guud ee XSKC-Arnhem Holland TORONTO Waxaa Somaliweek todobaadkii hore wareysi dheer la yeelatay Cabdalla Quuq oo ah guddoomiyaha ururka badbaadinta sportiga Soomaaliya iyo Qaasim Dhagnaas oo ka mid ahaa cayaartoydii hore marna noqday macalin kubadda koleyga,wuxuuna ka tirsan yahay ururkan cusub ee Badbaadinta Sportiga Soomaaliya
Xiiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta sidee buu u arkaa dhismaha ururkan Cusub?
Waxaa Somaliweek khadka telefoonka kula xiriirtay Cabdiqani Siciid Carab ahna xoghayaha guud ee XSKC oo ku sugan magaalada Arnhem ee dalka Holland
Xoghayahe Cabdiqani wuxuu marka hore si guud uga waramay sida uu maamul ahaan u shaqeeyo XSKC,waxqabadiisa,mustaqbalka waxa jadwalka ugu jira iyo wuxuu si gaar ah uga jawaabay ururkan Badbaadinta Sportiga Soomaaliya iyo dhaliil ka timid guddoomiye ku xigeenka XSKC Cabdirashid Bakin