Bahda Kubadda Koleyga Toronto oo Dhaweysay Tababare Maxamed Sheekh


TORONTO Xaflad casho sharaf ah oo lagu qabtay maqaayada Etob ee magaalada Toronto ee dalka Canada laguna soo dhaweenayay Maxamed Sheekh Muuse oo ka mid ahaan jiray kooxdii kubadda koleyga Somalifruit iyo xulka qaranka Soomaliyeed xilligii baarisamaadka,haddana leyliya koox kubadda koleyga oo ka dhisan magaalada Doha ee dalka Qatar

Waxaa xafladaas soo agaasimay bahda kubadda koleyga ee ku dhaqan magaalada Toronto,waxaana ka soo qeyb galay dad magac weyn ku leh isboortiga Soomaliya gaar ahaan kubadda koleyga iyo cagta,waxaana ka mid ahaa Xoghayah guud ee XSKK Siciid Faaax, Guddoomiyaha tartanka kubadda koleyga Somali Week Toronto Cabdi Depitati,Macalinkii weynee ee kubadda koleyga Cabdi Dheere,Cabdullahi Kamandhe,Canter Jeenyo,Maxamed Xaaji Uurey,Dhabaryare,Xaawo Hilowle,Xuseen Adda,Cabdirisaq Marayare,Cabdirashid Hoshkosh,Axmed Tuke, iyo Etob oo ah milkiilaha maqayaada dhinaca saaxafada waxaa goob joog ka ahaa Muxiyadiin Jaamac oo ka socday Somaliweek
DAAWASHO WACAN SIDA AY XAFLADA U DHACDAY



























Xafalda qiimaha badan waxaad kaliya oo aad uga bogan kartaa sida ay u dhacday daawasho kaliya,waxaadna ka heleysaa boggan horaantiisa

Muxiyadin Jaamac
Somaliweek
somaliweek@hotmail.com