![]() ![]()
|
![]() Dhageyso Doorka Saxaafada Idirs Cigal,Amiin Caamir,Maxamuud Ismaciil & Duran FaaraxTORONTO Waxaa Somaliweek falanqeyn fikir wadaaga ah dhex dhigtay bahda warbaahinta iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka isboortiga Soomaliyeed,taasoo looga hadlayay doorka saxaafada ka qaadan karto horumarka isboortiga Soomaliyeed dalka iyo dibada ![]() Idiris Cigaal & Amiin Caamir ![]() Maxamuud Ismaciil & Duraan Faarax Waxaana ka qeyb galay barnaamijkan Idirs Cigaal oo ah wariye waayo arag ah oo in muddo ah ka soo shaqeynayay idaacaddii raadiyo Muqdisho gaar ahaan barnaamijkii xiisaha badnaa ee cayaraha,wuxuuna degan yahay magaaladan Toronto ee dalka Canada Amiin Caamir oo si weyn loogu yaqaan farshaxanka gaar ahaan sawir gacmeedyada uu ku soo bandhiga gudbinta fariimaha ka tarjumaya xaaladaha kala duwan ee uu ku jiro dal gudo iyo dibadaba,Amiin Caamir wuxuu ka soo shaqeeyay wargeyskii Xiddigta Oktoobar ee ka soo bixi jiray Soomaliya xiligii barisamaadka ,Amiin Caamir wuxuu degan yahay magaalada Edmonton ee dalkan Canada Maxamuud Ismaciil oo ahaa cayaaryahan ka tirsanaa kooxihii heerka kowaad ee Seria A-da gaar ahaan naadigii kubadda cagta Waxool ,haddana ah tafaftiraha bogga cayaaaraha.com,Maxamuud wuxuu degan yahay magaalada London ee dalka UK Duran Faarax oo ah guddoomiye ku xigeenka kowaad ee guddiga Olimbikada Soomaliyeed kana mid ahaan mas’uuliyiintii kaalinta weyn ka qaadatay hirgalinta tartankii taariikhiga ahaa ee cayaaraha gobalada Soomaliya ee lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Soomaliya bishii December 15keedii 2010,Duran wuxuu degan yahay magaalaada London ee dalka UK Waxaa barnaamijkaa falanqeynta Somaliweek soo diyaariyay Muxiyadin Jaamac oo ah tafaftiraha somaliweek.com ,waxaadna ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hore Muxiyadin Jamac Somaliweek Toronto |