Wareysiga Siciid Farah Ducaale

Madaxa Guddiga Qaban Qabada Tartanka Kubadda Koleyga Toronto

Dhageyso Wareysiga Siciid Farah Ducaale

TORONTO Waxaa xog-wareysi dheer siiyay Somaliweek Siciid Farah Ducaale,oo ah madaxa guddiga qaban qaabada cayaaraha kubadda koleyga ee todobaadka Soomalida ee la filayo in ay ka furmaan magaalada Toronto ee dalkan Canada bisha July 2-12-sanadkan 2010

Siciid Farah wuxuu si guud u dulmaray dadaalkii loo soo galay qaban qaabada qabashada tartanka kubadda koleyga iyo kulmisiinta cayaartoydii hore,wuxuu kaloo ka waramay Siciid Farah howlaha adag ee horyaal guddiga qaban qaabada iyo sidii looga gudbi lahaa wada shaqeyn,isfaham iyo iyadoo daacad loo wada howl galo

Siciid Farah oo ka waramay sidii loogu doortay in uu noqday madaxa tartanka kubadda koleyga,wuxuu yiri “ Si wadajir ah ayaa laygu codeeyay ilaa haddana wax muran iyo hadal soo yeeray ma jiro”

Abdi Dheere & Siciid Farah

Mohamed Madoobe & Abukar Shiino

Cismaan Musse & Dhamme

Mohamed Farah & Abdi Dibitaate

Cismaan Bruno & Sh. Qalaafe

Abdifatax Marayare & Abdirashid Jamaalo

Abdirisaq Marayare & Ahmed Tuke

Da'uud Dheere & Farah Oday

Dhabaryare & Hussein Addaa

Macalin Tuke-Garsoore Mohamed Farah & Macalin Musse

Mar Siciid Farah Somaliweek waydiisay in Abdi dheere oo ah macalin rug caddaa kubadda koleyga muddo dheer ku soo jiray,uu aad isaga fogeeyay qabashada hogaanka tartanka kubadda koleyga ee Toronto maslaxad darteed,maadama uu mar guddoomiye u noqday ururweynihii SSIFO ayna si fudud u burburiyeen qaar ka tirsanaan jiray cayaartoy uu macalin u soo noqday?

Siciid Farah wuxuu isagoo kaftamaya ku jawaabay “Isbooritiga iyo Siyaasada waa kala madax banaan yihiin”

Siciid Farah wuxuu sheegay in tartanka aysan wax gacan ah ka gaysan si toosan si dadbanba XSKK iyo GOS,haddana ay marti qaadanayaa madax ka tirsan sida Adan Hagi Yabarow Wiish guddoomiyaha GOS, Duran Farah Guddoomiye ku xigeenka GOS,Bashir Fox IWM

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto