![]() ![]()
|
![]() Siciid Farah-Duran Farah-Mohamed Sheikh & Macalin Musse Nasir TORONTO Xaflad casho sharaf ah oo si qurxoon loo soo agaasimay laguna soo dhaweynayay qaarka tirsan cayaartoydii hore ee kubadda koleyga iyo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee guddiga olimbikada Soomaliyedd Duran Farah,oo safar gaaban ku yimid magaalada Toronto,ayaa lagu qabtay maqaayada Karuur ee ku taal galbeedka magaalada Toronto ![]() Kudbaddii Guddoomiye Ku Xigeenka GOS Duran Farah Khudbadadii Guddoomiye Siciid Farah & Macalin Abdi Dheere ![]() Daawo Yasiin Ismacil Mucjisada Kubadda Koleyga Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Yasin Ismacil MusseXafladaas waxaa soo agaasimay bahda kubadda koleyga oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha tartanka kubadda koleyga todobaadka Soomalida Toronto 2010 Siciid Farah Ducaale ![]() M.Farah Qambi & Saleeban Saley > ![]() ![]() Yasiin Ismacil & Bashiir Fox ![]() ![]() Duran Farah,Macalin Musse & Ahmed Dahir ![]() Duran Farah & Macalin Musse Nasir Ugu horeyntii waxaa hadalka qaaday Macalin Abdi Dheere oo soo dhaweeyay martida ka soo qeyb galkooda tartanka cayaaraha kubadda koleyga Toronto ,ka dibna wuxuu hadalka ku soo dhaweeyay Shiikh Ahmed Qalaafe,oo ka mid ahaan jiray cayaartoydii cuslaatay ee kubadda koleyga,Shiikha wuxuu si guud ula hadlay bahda isboortig Soomaliyeed kulana dardaarmay cabsida Ilahay iyo u daacad noqoshada howlaha isboortiga ee ay hayaan ,wax kastana laga hormariyo danta guud,Shiikhu wuxuu sheegay in Soomaliya maanta uu KAAR kasta gubtay marka laga reebo kan isboortiga,wuxuuna ka codsaday in la xafido KAAR kaas ![]() > ![]() Abukar Shiino & Siciid Farah > ![]() ![]() Sacdiya Jakam,Hindi Ahmed & Xaawo Hilowle Ka dib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha tartanka kubadda koleyga Somali Week Toronto 2010,Siciid Farah,oo si guud uga warbixiyay sida loo qaban qaabiyay tartanka sanadkan marti galineyso bahda isboortiga Toronto,wuxuu kaloo ka hadlay in tartanka ay ku marti qaadeen madaxda isboortiga Soomaliyeed balse ay ka cudurdaarteen howlo gaar u ah awgood,laakiin waxaa gudoomiye siciid wuxuu si gaar ah u xusay in ay nasiib u yeesheen in uu kala soo qeyb galo tartankan Somali Week Toronto 2010,guddoomiye ku xigeenka GOS Duran Farah Guddoomiye Siciid Farah wuxuu ku soo dhaweeyay cod baahiyaha guddoomiye ku xigeenka GOS Duran Farah, in uu bahda isboortiga reer Toronto ka siiyo warbixin faahfaasan dhaqdhaqaaqyada guud ee isboortiga Soomaliyeed ![]() Abdulkasir Madaxey.Abdi Depitate & Macalin Shiikha ![]() Abdirashid Jamaalo & Macalin Bruno ![]() Farah Oday,Yasin Ismacil,Bashir Fox & Qoraa Mohameed Sh Duran Farah wuxuu ugu horeyntii si guud ugu mahad celiyay bahda isboortiga Toronto sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen Toronto ,wuxuuna fariin gaar ah oo uu ka siday guddoomiyaha GOS Adan Xaaji Yabarow Wiish & xoghayaha GOS Abdullahi Tarabi.sida weyn ee ay uga xun yihiin in ay iman kari waayeen Toronto ,balse ay hambalyo u soo gudbinayaan reer Toronto sida wax ku oolka ah ee ay goor walba ugu taagan yihiin horumarinta isboortiga Khudbada guddoomiye ku xigeenka oo aad u dheerad waxaad ayada oo maqal iyo muuqaal ah aad ka dhageysan kartan boggan Mohyadin Jama somaliweek Toronto |