![]() ![]()
|
![]() Musse Abti,Muqtar Cutti & Farah Oday Dhageyso Wareysiga Wariye Idiris Cigaal Nuur & Hadalkii Xaflada Ka JeediyayTORONTO Xalay oo taariikhdu ku beegneed bishan Aug/2/2010, guddiga TODAY oo ah guddiga soo qaban qaabiya cayaaraha xiliga kuleelaha lagu qabto magaalada Toronto,ayaa xalay sameeyay xaflad ay ku bixinayeen abaalmarino,gaar ahaan dadkii gacanta weyn ka geystay qabsoomida cayaaraha Somali Week Toronto 2010,iyo iyagoo soo bandhigay sii loo maamulay iyo kharashkii ku baxay cayaarahaas DAAWO PART TWO ![]() Wariye Idiris Cigaal & Garsoore Mohamed Farah ![]() ![]() Ahmadey B,Farah Oday,Busuri & Muqtar Cutti ![]() A/xakim Ottawa,Xarbi,Xalane & Macalin Khalif Waxaa xafldaas soo xaadiray maamulayaasha kooxaha ka dhisan magaalada Toronto,ganacsato,odayaasha isboortiga iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladaas,waxaana ugu horeyntii furay afhayeenka guddiga TODAY,Bashi isla markaana habeenkaas ka ahaa goobta xiriiriye, ![]() Nuuraye,Turumbo,Cadde & Abdi Depitate ![]() Abdullahi Yacni,A/rashid Bakin,Cadare & Aw-Baare ![]() Mohamed Farah,Daahir Boodaye,Abdirashid Bakin Waxaa ugu horeyntii hadalka qaatay guddoomiyaha guddiga TODAY,Farah Jama Nur (Farah Oday) ka waribiyay safar uu ku tagay dalalka UK,Sweden iyo Marooko,isagoo ku baraarujiyay in Tortonto wali tahay hoyga isboortiga qurba joogta Soomaliyeed,waxaa kaloo isna xaflada ka hadlay guddoomiyaha Somali Week Toronto 2010,Muqtar Cutti,oo si gaar ah ugu mahad celiyay dhammaan dadkii gacanta ka geystay cayaarahan in ay sedan quruxda badan ku soo dhammaadan iyadoo la’aantood aysan waxba qabsoomeyn Musse Dhiblaawe oo guddiga TODAY ugu qeybsan xagga dhaqaalaha ,ayaa soo jeediyay sidii loo maamulay dhaqaalaha iyo kharashkii ku baxay cayaaraha ![]() ![]() ![]() Waxaa kaloo hadalka qaaday wariyihii caanka ahaa gaar ahaan dhanka isboortiga xiligii cayaarihii gobalada Soomaliya iyo barnaamijkii cayaaraha raadiyo Muqdihso,Idiris Cigaal Nuur,oo ku baraarujiyay in bahda isboortiga Toronto ay u dhabar adeegaan wax walba oo la soo gudboonada,maadama ay jiraan dad goor walba u taagan in ay wax dumiyaan,iyagoo isboortiga ka dhiganaya gabaad Ugu dambeyntii waxaa hadalka qaaday garsoorihii caalamiga ahaa,Mohamed Farah Dabdamis,kana mid ah odayaasha isboortiga ee sida gaarka looga qadariyo magaaladan Toronto,wuxuu kula dardaarmay guddiga TODAY in shaqada wanaagsan oo ay sanadkan 2010 qabteen meesha ka sii wadaan,iyagoo ka bilaabaya cayaaraha koobka bisha barakeysan ee Ramadan,wuxuuna u rajeyay dhammaan maamulka guddiga TODAY iyo inti ka qeyb gashay cayaarahaas guul iyo sanad dambe sidoo kale Waxaa kaloo ka mid ahaa mas’uuliyiintii xaflada joogay guddoomiye ku xigeenka cusub ee XSKC,Mudane Abdirashid Hassan Hersi Bakin,oo lagu sharfay in uu bixiyo abaamarinadii guddiga TODAY Mohyadin Jama Somaliweek Toronto |