M.FIRIN MAAMULAHA DIXON FC OO QEYB KA QAATAY K/LOLEYGA


LONDON Waxaa dhawaan lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada tartan kubadda koleyga ah oo loogu magac daray Somali Men’s Basketball League, ayna soo qaban qaabiyeen da’yarta ku dhaqan magaalada Toronto,waana markii ugu horeysay oo tartan noocan oo kale ah la qabto marka aad ka fiiriso sida loo soo agaasimay iyo guud ahaan jawiga garoonka lagu qabtay tartanka

Waxaa wax lagu farxo laguna faano ahayd dhalinyarada hogaanka u haysay tartanka Somali Men’s Basketball League oo soo bandhigay tartan si weyn ula jaan qaadi kara tartamada caalamiga ah sida NBA,NCAA & Fiba World

Dhalinyaradii qeybta weyn ka qaadatay quruxda iyo wanaaga tartankaasi huwanaa waxaa ka mid ahaa Mustafa,Shilaabe iyo Firin,garoonka lagu qabtay oo ay soo buux dhaafiyeen dhalinyaro da’doodu u dhaxeyso 14 jir ilaa 28 jir,ma aysan jirin ciidan ammaan oo goobta joogay taasi oo muujineysay in da’yartan fahamtay gacmo wada jirbay wax ku gooyaan
For More Info Visit at www.torontosmbl.com
DAAWASHO WACAN





Muxyadiin Jaamac
Somaliweek
Toronto