Wareysiga Macalin Dahir Gamey-kooxda London Stars & Xulka Qurba Jooga


TORONTO Waxaa Somaliweek wareysi dheer la yeelatay Dahir Cismaan Faarax (Macalin Dahir Gacmey) ahna macalinka kooxda London Stars iyo kooxda xulka kubadda cagta qurba joogta,Macalin Daahir wuxuu si guud uga waramay taariikhda kooxda London Stars,wax qabadkiisa guud ee kubadda cagta,iyo arimaha isboortiga ee hadda taagan

Macalin Daahir wuxuu sheegay in uu urur walba oo isboortiga wax u qabanaya uu si buuxda u taageersan yahay,wuxuu kaloo sheegay in uu gacan walba oo looga baahdo taakuleynta xulka qaranka kubadda cagta u diyaar u yahay,meeshana uu ka saaray warar been abuur ah oo sheeganay in loogu gacan dhaafay cayaaryahanadiisa

Macalin Dahir wuxuu kaloo ka hadlay wareysi uu dhawaan Somaliweek siiyay guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish,wuxuuna sheegay in bahda isboortiga qiimo iyo qadarin weyn ay u hayaan guddoomiye Wiish,wuxuuna ka raali geliyay dadka aan aqoonta u haleyn ee xad-gudubka u geystay
Wareysiga macalin Dahir Gacmey waxaan ka dhageysan kartaan booggan mar walba oo aad furto

Cabdirashid Islow & Macalin Daahir Gacmey


Xaafada Wembley


Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto