LONDON Xulka Qaranka Gabdhaha kubadda koleyga ee Soomaaliya oo si xarage leh uga badiyey xulka qaranka gabdhaha kubadda koleyga ee waddanka Qatar.
Kadib markii ay maanta iskaga horyimaadeen cayaar ka tirsan cayaaraha kubadda kolayga ee Jaamacadda carabta ee ka socda waddanka Qatar. Cayaartaas oo ay wada sugayeen dhammaan Soomaalida ku nool waddanka Qadar,
Waxaa dhammaan gegida cayaarta soo buux dhaafshay soomaali lagu qiyaasay dhawr boqol.
DAAWASHO WACAN
Waxay cayaarta noqotay mid aad u xiisa badan waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha olombiga waddanka Qatar Amiir Shiikh Sucuud bin Cabdiraxmaan Altaani, isagoo ah guddoomiyaha tartanka cayaarha carabta ee Dooxa
Cayaarta waxay noqotay mid xulka qaranka gabdhaha kubadda koleyga ee Soomaaliya guusha ku raacda iyagoo ku badiyey
Soomaaliya 67 Qatar 57
Waxaa maanta dhammaan idaacadaha Al-Jazeera laga siidaayey sida wanaagsan oo ay ciyaareen gabdhaha xulka soomaaliyeed.
Bahda isboortiga magaalada Toronto waxay hambalyo iyo bogaadin u soo gudbinayaan XSKK maamulkiisa iyo macalimiinta Cumar Baarajab iyo Maxamed Sheekh oo hore u balan qaaday in habac sanaantii hore u jirtay in ay wax ka badali doonaa kan dhabeeyeen arintaasi,waxaa halkan hambalyo ka diray Aaba kubadda koleyga Toronto Macalin Cabdi Dheere iyo dadka kala ah Cabdi Depitate,Cabdulqadir Dhamme,Cabdrisaq Marayare,Xuseen Addaa,Axmed Dhabaryare,Axmed Tuke,Cabdirisaq Geedi,Daa'uud Dheere,Saciida Wariiri,Sacdiya Jakam,Xaawo Hilowle,Gani Xasan,Hindi Axmed iyo sidoo kale maamulka guddiga SOSCA ee qaban qaabiya tartanka cayaaraha xaggaaga magaalada Toronto oo ay ka mid yihiin Mr.Dhuux,Addaa,Sh.Maxmuud,Libaan Shariif,Burhan Marayare,iyo Xasan Daahir