Gani Xasan oo Casho Sharaf Loogu Sameeyay Magaalada Toronto Canada
TORONTO Gani Xasan Nuur oo ka tirsan bahda isboortiga magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxay safar gaaban ku timid magaalada Toronto oo hoy u ah inta ugu badan bahda isboortiga Soomaliyeed ee qurba jooga ,waxaana si qiimo badan ugu soo dhaweyay Toronto bahda isboortiga gaar ahaan kubadda koleyga wiilal iyo gabadho ,iyagoo casha sharah si heer sare loo soo agaasimay ugu sameeyay Gani maqaayad aad u bilicsan ahna kuwa sida gaar ah loogu qabto xafladaha iyo soo dhaweynta dadka bulshada gudaheeda tixgelinta gaar ah ku leh