![]() ![]()
|
![]() Madaxweynaha Puntland Dr.A/Rahman Faroole & Gudd.XSKC S.Mugambe Warxibixinta Cayaaraha Gobalada Soomaliya Wariye Salman Jamaal GarooweGAROOWE Waxaa maanta garoonka kubadda cagta re Mire Awaare ee magaalada garoowe Ka furmay tartanka ciyaaraha Gobolada Dalka Soomaaliya oo ay ka qeeb galayaan 15 gobolka oo dalka Soomaaliya ah , Tartankani oo maanta si toos ah u furmay ayaa waxaa ka soo qeebgalay oo furay madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Sheeq Maxamed Faroole waxaana garoonka maanta goob joog ahaa wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka maaliyadda ee Puntland ,kan warfaafinta kan amaanka iyo kowa kale oo aan la soo koobi karin ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Dhanka maamulka waxaa goob joog ahaa furitaanka ciyaarahani wasiirka cayaaraha ee Puntland Maxamed Nuur Xirsi maamulka Gobolka Nugaal kan degmada Garowe iyo marti sharaf kale oo aad u badan Ciyaarta furitaanka ayaa waxaa lagu furay Gobolada Nugaal oo ah martigeliyaha tartankan iyo gobolka Sh.Hoose Ciyaartani oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa lagu daawanayay 10.000 Sh.Somali ah, waxaana garoonka aad u soo buux dhaafiyay shacab aad u badan oo labada gobol kala taageersanaa, Ciyaartani oo shacabka Soomaaliyeed sitoos ah ay ugala socdeen Xarumaha Idaacada Daljir iyo Somaliweek ayaa waxaa ay gelinkii hore ku soo idlatay 0-0 balse waqtigii dambe ayaa ciyaarta wax wayn iska badaleen markii gobolka Nugaal ay weerar aan caadi ahayn ay ku soo qaadeen goolka gobolka Sh.Hoose waxaa daqiiqadii 42aad u suura gashay in ay gool ay ka dhaliyaan Gobolka Sh.Hoose, markaasi ayaa garoonka is qabsaday sawaxan iyo guux kaasoo ka soo yeeray gobolka Nugaal. ka dib weerar isdaba joog ah oo gobolka Sh. Hoose ay soo qaaday ayaan u suura gelin ay ay goolkii lagu lahaa ay iska soo gudaan, waxaa ayna waqtii loogu talagalay ay kusoo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday gobolka Nugaal ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Wariyaha Somaliweek Garoowe Salman Jamaal Hadaba maalinta bari ah ayaa waxaa dhacaya labo ciyaar waxaa ayna u dhacayaan sida tan Sool Vs Geddo waxaa ay soo galaysaa ciyaartani 2:00 Duhurnimo Sidoo kale ciyaarta kale waa kulan aad u adag waxaa ayna dhexmari doontaa haddii Allah idmo gobolka Mudug iyo gobolka Banaadir, waxaa ayna ciyaartani ay bilaawanaysaa 3:33 galabnimo Salman Jamaal Somaliweek Garoowe |