Bahda K/Koleyga Waqooyiga London oo Tageeray Gudd. Bashir Gurey
TORONTO Waxaa ka dhacday xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay waqooyiga magaalada London ee dalka UK,ayna goob joog ka ahayeen qaar ka tirsan cayaartoydii hore ee kubadda koleyga Soomaliyeed iyo tababarayaal hore oo kubadda koleyga ah oo si weyn looga yaqaan dalka Soomaliya

Guddoomiye Bashir Gurey

Gudd.Bashir Gurey & Macalin John

Gudd.Bashir Gurey & Mohamed Sh
Hadaba Xafladaas oo isugu jirtay taagaaro ,gacansiin iyo ku boorin bahda isboortiga talaabada ku dayashada mudan ee uu ku dhaqaaqay Bashir abdullahi Ali oo loo yaqaan Bashir Gurey dhawaana loo doortay xilka ah guddoomiyaha Dalada Guud ee Horumarinta,Dhaqanka,Cayaaaraha iyo waxbarashada Jaaaliyada Puntland ee ku dhaqan dalka UK,oo si rasmi ah loogu doortay jagadaas magaalada Leicester ee dalka UK, Sanadkii bishii Janaayo.24.2010,iyadoo uu caleema saarkaasi joogay guddoomiyaha qurba joogta Punland ee UK ,Prof.Abdulkadir Jabril iyo dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray,Mas’uuliyiin,waxgarad,culumaa’udiin iyo haweenbe
Hadaba akhristow waxaa xafladaas waqooyiga London ka dhacday, waxaa ka mid ahaa dadki ka soo qeyb galay ,Hassan Farah ( Macalin John),Abdirahman Guhaad Shiino,Mohamed Sh. Weli,Abdulkadir Garweyne,Muriidi Yaweli,Abdiwali Sabriye,Abukar Dheere ,Abdullahi Saleebaan iyo dad kale oo fara badan


Muridi Yaweli,Bashir Gurey & Abdulkadir Garweynea

Dhammaan dadkii ka soo qeyb galay waxay ay ku ammaanen Bashir Gurey shaqsi u istaagay waxqabad,ka hormarinta danta gaar ahaaneen mida guud,u hurid naf iyo maal horumarinta isboortiga Soomaliyeed gaar ahaan hadda oo uu si hagar la’aan ah ugu istaagay wax u qabadka sidii hore loogu marin lahaa isboortiga gobolada maamulka Puntland,
Ugu dambeyntii waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha dalada guud ee horumarinta,dhaqanka,cayaaraha iyo waxbarashada jaaliyada UK, Bashir Gurey,oo uga mahad celiyay dadkii ka soo qeyb galay xafladaas taageerada ah ,wuxuuna ku booriyay in isboorti qiimhii iyo magacii uu noo yeelay aan laga abaal dhicin ee dib bulshada baahida u qabto qiimihiisa loogu gudbo,wuxuu kaloo guddoomiye Bashiir Gurey kula dardaarmay bahda kubadda koleyga in ay ka gudbaan is qab qabsiga aan qiimaha badneen,horana uga socdaan wixii qalmaday oo aan waxba hadda laga qaban Karin
Mohyadin Jama
Somaliweek
Toronto
|