SEIF FC HORYAALKA RAMADANKA TORONTO 2009
TORONTO Waxaa habeenimadii Sabtiga September 26/2009,lagu soo gabagabeeyay magaalada Toronto tartankii koobka Ramadan ka Toronto 2009,Waxaana cayaarta kama dambeysta wada cayaarahay kooxaha SEIF FC & DIXON FC,oo runtii ahaa kuwii ugu cad caddaa tartanka intii uu socda oo dhan
Halkan Ka Daawo Xafladii Xiriitanka

Inspector Mark Saunders Regional Supervisor & Abdi Adan Head of Tournament

Kamara & Xaaskiisa-Chairman of Canadian Cup of African-Caribbean Nations

Cumar Ganjab oo guddoonsiinaya koobka Captian ka SEIF FC Yusuf

Abdi Dheere oo koobka kaalinta labaad guddoonsaya kooxda DIXON FC

Inspector Mark Saunders & Garsoore Bashiir Ebay

Inspector Mark Saunders & Abdi-dheere




Abdi Adan & Marshaale Hussein

Omar-Sadaq-Abdi Adan-Marshale & Sh.Salax



Maclin Dahir-Mahdi & Bashir Abshir

Marshaale-Sh.Salax-Aw-Baare & Macalin Brunob

Diiriye-Cumar Ganjab & Omar Warsame


Omar Warsame-Chairman of Guidance of Canadian Somali Youth Org.

Inspector Mark Saunders-Toronto Police Regional Supervisor
Cayaartaas oo runtii aheed mid taariikhi ah marka dhinac walba laga fiiriyo gaar ahaan waa markii ugu horeesay ee garsoore Soomali ah uu dhex dhexaadiyo cayaar FINAL ah,taas oo runtii dadkii horey u qaban qaabin jiray cayaaraha ay ka dhaadhac saneed in garsoore SOMALI ah la jaan qaadi karin tayada cayaarta iyo iyagoo aaminsanaa in qofka garsoore SOMALIYEED la iman karo EEX iyo MUSUQ MAASUQ
Waa ilahay mahadiis ah in fikirkaas qaldan ay cagta mariyeen maamulkii qaban qaabiyay tartanka koobka Ramadan ee uu hogaaminayay cayaartoy hore oo qibrad iyo aqoon u leh maamulka iyo farsamada cayaaraha Abdi Adan Jabrill kana tirsanaan jiray naadigii WAXOOL ,Waxaa kaloo runtii suurta galiyay tartnka habsami u socodkiisa Sh.Mohamud,Liban Sharif iyo Hassan Dahir oo shaqo aan caadi aheyn meeshka ka qabtay




Hadaba cayaarta markii ay bilaabatay labada kooxood waxay soo bandhigeen cayaar nadiif ah oo farsamadeedu aad u sareysay ,marar badana ay sigayeen goolal,cayaarta waqtigii caadiga ahaa waxay ku soo dhammaatay 0:0 .waxaa loogu daray shan daqiiqo ,waxay ku soo dhammatay 0:0
Waxaa leysla aaday RIGOORAYAAL ,iyadoo gabagabadii guushu ku raacday SEIF FC oo ku badisay 4:3 ,kuna guuleystay koobkii tartanka Ramadan Toronto 2009
Ugu horeynti waxaa halkaas ka hadlay madaxa taranka koobka Ramadan ee guddiga TODAY,Abdi Adan Jabril oo u mahad celiyay dhammaan kooxaha,maamulkooda iyo dadweynihii tirida badnaa ee habeen walba ka soo qeyb galayay taranka koobka Ramadan



Waxaana koobka kooxda SEIF FC guddoonsiiyay Cumar Ganjab oo ka mid ahaan jiray xidigihii kubadda cagta kooxdii WAGAD iyo xulka qatanka Soomaliyeed
Kooxda DIXON FC waxaa kaalinta labaad guddoonsiiyay guddoomiyha SSIFO,kana mid haan jiray xidddigii kubadda koleyga gaar ahaan kooxda JEENYO iyo xulka qaranka Soomaliyeed







Hadaba marti sharaftii ka soo qeyb gashay cayaarta waxaa ka mid ahaa sarkaal ka socday ciidanka Booliska magaalada Toronto Inspector MARK SAUNDERS oo ah Toronto Police Regional Supervisor,waxaa kaloo joogay KAMARA CCACH oo guddoomiyha Canadian Cup of African-Caribbean Nations,labadaas mas'uul hadal qiimo badan ayay xiritaanii ka jeediyeen iyagoo si gaar ah u aamanay cayaartoyda iyo guddigii soo qaban qaabiyay cayaaraha
Waxaa kaloo Martida ka mid ahaa Abdi Dheere,Cumar Ganjab,Ali Gurey,Macalin Musse ,Macalin Tuke,Marshaale,Dahir Boodaye,Abdullahi Hassan Mahdi,Bashir Abshir Ali,Mahad Abdullahi,Hassan Karatey,Omar Warsame guddoomiyaha Guadence Of Canadian Somali Youth Org.iyo marti sharaf kale oo fara badan


































Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto
|