Tartankii Koobka Bisha Ramadan oo Ka Furmay Toronto
TORONTOWaxaa xalay oo bisha August aheed 20/2010,ka furmay garoonka Soccer City ee ku yaal magaalada Toronto,tartankii loogu talgalay bishan barakeysan ee Ramadan,waxaana soo qaban qaabiyay tartanka guddiga TODAY oo looga bartay horumarinta isboortiga iyo joogteynta tartamada isboorti ee noocan oo kala ah uguna horeeyo tartanka caan baxay ee Toronto Somali Week
DAAWASHO WACAN


Odayaasha Isboortiga Toronto

Bashi Ali & Abdirisaq Cadde
Tartanka waxaa sanadkana maamulkiisa hogaanka u haya Bashi Ali Bashi oo ka tirsan guddiga TODAY,waxaana si buuxda ula shaqeynaya shaqsiyaadka looga bartay goor walba u daacad noqoshada howlaha isboortiga oo ay ka mid yihiin Abdirisaq Cadde,Musse Abtiga,Muqtar Cutti,Jamaal iyo Farah Oday

Musse Abti & Muqtar Cutti

Abdi Ali & Siciid Dhuuni

Ahmadey B & Bahda isboortiga Toronto
Waxaa ka qeyb qaadan doono haddii Allah idmo tartanka koobka Ramadan lix kooxood iyo afar kooxood oo odayaal ah,wuxuuna tartanka socon doonaa ilaa dhammaadka bishan Ramadan,Cayaartii ugu horeysay waxaa lagu furay labada kooxood Hilaac iyo Toronto Star,labadan kooxood waxay muujiyeen cayaar wanaag iyo farsamo aad u heer sareysa,waxaana guushii ku raacday 2:0 kooxda Hilaac
Tartanka waxaad si joogta idiin kugu soo gudbin doona haddii Allah idmo somaliweek
Mohyadin Jama
Somaliweek
Toronto
|