![]() ![]()
|
![]() Dhageyso Wareysiga Mohamed Ismaciil Ali TORONTO Waxaa wareysi dheer dhawaan siiyay Somaliweek Mohamed Ismaciil Ali oo bahweynta cayaaraha jecel u yaqaanaan Siteey,wuxuuna xog-wareysigaas aad ugu dheeraaday meesha uu maanta marayo isboortiga Soomaliya iyo mas’uuliyiinta hogaamineysa jihada qaldan ee ay ku wadaan Mohamed Ismaciil wuxuu sheegay in uusan damiirkiisa u ogolaaneyn in uu maanta ka aamusnaado sida isboortiga Soomaliya loo maamulo dalka iyo dibadaba isagoo si cad u sheegay GOS iyo Xiriirada dalka ka jira in ay isbadal la yimaadaan ama laga kaaftoomo oo la helo cid kale oo badasha Wuxuu kaloo ka waramay waxqabadkii wasiirkii dhalinyarada iyo isboortiga allaha u naxariistee Saleeban Colaad Rooble intii yareed ee uu maamulka wasaarada isboortiga hayay, wax la taaban karama uu qabtay,haddana ay tahay in meeshii uu uga tagay in laga sii wado Mohamed Ismaciil wuxuu kaloo ka hadlay tababarkii cayaartoydii hore ee kubadda cagta u tageen dalka Jabuuti,golaha cusub ee cayaartoydii hore ee Soomaliya ee ku dhaqan magaalada London ay sameysteen, Mohamed Ismaciil wuxuu kaloo ku dhiira galiyay in bahda isboortiga kuwooda caafimaadka qaba in maanta aysan indha ka laaban sida foosha xun ee GOS iyo Xiriirada hoos taga ugu talax tageen isboortigii Soomaliya Mohyadin Jama somaliweek Toronto |