
Marxuum Saleebaan Colaad Rooble
TORONTO Waxaa Somaliweek soo gaarsiiyay tacsi maamulka dalada guud ee isboortiga qurba joogta Puntland,iyagoo ka tiiraanyeysan geerida ku timid wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo isboortiga marxuum Saleeban Colaad Rooble,oo in muddo ah ku jiray cisbitaal ku yaal magaalada Riyaad ee dalka boqortooyada Sacuudi Careebiya,lanaga daweeynayay dhawaac halis ah oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay bishii December horaanteedii hotalka Shamow

Marxuum Salebaan Colaad Rooble
Allaha u naxariistee marxuum Saleeban Colad Rooble wuxuu ahaa mas’uul daacad u ah howsha qaran ee uu ummadda Soomaliyeed u hayay,taas oo laga garanaya xiligi yaraa ee uu xilkaas hayay howsha weyn ee uu qabtay,sida uu u soo jiitay bahweynta isboortiga laguna xasuusan doonaa waxqabadkisa

Maamulka Dalada isboortiga Puntland ee UK
Maamulka tacsida soo gudbiyay ooo kala
1-Gudooomiye ururka : Bashiir cabdulaahi (bashiir Gurey)
2-G/ku xigeenka liibaan cali xirsi
3-xoghaye; Ahmed cabdalla maxamuud (Ahmed tigaana)
4-Co-ordinator; cabdi/xakiin jamac jooje
5-xisaabiye ; maryan cali rooble
iyo madaxa gudiga sare ee ururka
cabdikariin (Black)
Digeeye
Mohyadin Jama
Somaliweek
Toronto
|