![]() ![]()
|
![]() Dhageyso Wareysiga Ahmed TiganaLondon Waxaa lagu qabtay galbeedka London gaar ahaan xaafada Southall shir looga hadlayey horuumarinta isboortiga Puntland.shirkaasoo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayna ka soo qayb galeen dad badan oo ay hormuud u ahaayeen bahda isboortiga ee reer puntland, Shirkaas oo ku biloowday jawi aad uwanaagsan waxaa lagu lafa guray sidii loo hormarin lahaa isboortiga qaybihiisa kaladuwan ee puntland, ![]() Ibrahim Faandhe oo ka socday telefishinka ETN ![]() ![]() ![]() ![]() shirkan waa sooqabanqaabiyey bahda isboortiga ee Southall ee galbeedka London oo uu hogaaminayey xiddigii kubada cagta ee naadigii Wagad iyo qarankaba,waxaa kaloo ka dhex muuqdey gabdhaha isboortiga oo ay kamid ahaayeen Sahara Ilkacas oo u ciyaari jirtey horseed,Maryan Neero, Sahra Bundube.waxaa shirkaas daadihinaayey aftahankii reer puntlan Sahal shirkan oo ahaa mid xiisa badan waxaa furitaankii sii ka haddashay Maryan Neero oo ka warantay qaban qaabadii shirka una mahad celisey dadkii wakhtiga qaaliga ah soo siiyey,,waxay kalo sheegtay in gabdhaha reer puntland ay diyaar uyihiin inay u guntadaan kobcinta iyo horuumarinta isboortiga Puntland, ![]() Cayaaryahankii Kooxdii Wagad Mr.Black oo ka dhex muuqday kulanka ![]() ![]() Digeeya oo hadalka ka jeedinaya kulanka ![]() ![]() ciyaaryahankii weyna ee Wagad Cabdikarim Cabdulle Shiidle (black) ayaa isna ka hadlay sida loo gu baahanyahay in wax laga qabto baahida taal puntlaan dhinaca isboortiga,loona baahan yahay in loo guntado meelmariyo hawshaan la bilaabay maanta. Maxamed Maxamuud (Dhegaweyne) oo ahaa dhalin tii u ciyaari jirtey naadiga Batroolka ayaa isna xusay inaan indhaha laga daahan xaqiiqada,aana ogaano ianan nahay reer puntland aana xil iska saarno sidii aan wax ugu qaban lahayn dhalinyarada ku tabaalaysan dhulkii taas oo qiira gelisey dad kii meesha isugu yimi, Ahmed Xuseen Xasan (Ahmed Ciiri) ayaa isana xusay in lays aamino,layskuna kalsoonaado ![]() ![]() Telefishinka ETN oo joogay kulanka lana iloobo waxa ka dhexeeya shaqsiyaadka gaarka ah, waxaa isna halkaa hadal kooban ka jediyey Ahmed Maxamuud Cabdalla (Tigaana) oo ka mid ahaa qaban qaabiya yaasha barnaamijkaas,ahna nin aad ugu hawlan hawlaha horuumarinta isboortiga puntland iyo soomaaliyaba,isagoo sheegay in hadii la midoobo laysuna tanaasulo la qaban karo waxyaaba badan oo mudo qabya naga ahaa,uuna hada noo biloowday iftiinkii aan sugayney mudo, Intaa kadib waxaa lagu soo dhoweeyey cod baahiyaha Bashiir Gurey iyo Digeeye oo labaduba ku dheeraaday ujeedada iyo baahida keentay in labilaabo hawshaan taas oo ay aad ugu riyaaqeen dadkii ka soo qayb galay xafladaas,waxaa kaloo kaqayqaatay xafladaas bahda reer leicester. waxaana gabagabadii la go aansaday in la dhiso urur wax kaqabta baahida taal kaas oo meesha looga dhawaaqay, ururkaan ayaa dhaqan galay waxaana lagu magcaabaa, ![]() ![]() ![]() Mohyadin Jama somaliweek Toronto |