MAAL GELI UBADKAAGA WAQTI GALI UBADKAAGA


TORONTO Waxaa galab-nimadii Sabtiga lagu qabtay tababar kubadda cagta ah oo ay bixinayeen rugcaddaagii weynaa ee kubadda cagta Soomaliyeed Macalin Tuke & Maxamed Xaaji Uurey iyadoo hadaf ahaa abuurida cayaartoy Soomaliyeed oo degan magaaladan Toronto lagana kaaftoomo hantida iyo waqtiga badan ee lagu qasaarinayo cayaartoyda laga soo erganayo wadamada kale si ay ugu cayaaraan magaca kooxaha ka dhisan magaalada Toronto

Labada kooxood ee tababarka qaadanayay waxay kala ahaayeen IFTIN & GALMUDUG,waxaana gacan weyn ka geystay maal galinta barnaamijkan shaqsiyaad si gaar ah isu xilqaamay oo kala ah
DAAWASHO WACAN








Cabdirisaaq Marayare (Dhuux)
Xuseen Maxamed Muuse (Addaa)
Cabdiqaadir Joof
Sheekh Maxamuud
Libaan Shariif
Xasan Daahir

Barnaamijkan asaga maqal iyo muuqaal ah ka daawo boggan,waxaana dhanka saaxaadda goobtay joogay Muxiyadiin Jaamac oo ka socday Bahda Somaliweek

Muxiyadin Jaamac
Somaliweek
somaliweek@hotmail.com