Wareysiga Cabdirashiid Islow oo ah wakiilka guddiga farsamada XSKC dalka UK TORONTO Waxaa Somaliweek u suurta gashay in xog-wareysi dheer la yeelato Cabdirashid Islow oo ka tirsan guddiga qaban qaabada tartanka cayaaraha todobaadka Soomalida ee xilliga xaggaaga lagu qabto magaalada london ee dalka UK,waxaana dhawaana loo magacaabay wakiilka farsamda XSKC u jooga dalka UK
Cabdirashiid islow wuxuu ka mid yahay aadna loogu xasuusta dadkii ugu horeeyay ee ka bilaabo tartamo sporti xaafada Wembley oo lagu tilmaamo in ay tahay xudunta sportiga jaaliyada Soomaaliyeed ee UK
Cabdirashiid ugu horeyntii wuxuu si guud uga waramay taariikhiisa sportiga laga bilaabo Soomaaliya ilaa magaalada London gaar ahaan Xaafada Wembley,wuxuuna ka mid ahaa aas aasayaashii kooxda London Stars iyo ururweynihii Susca
Cabdirashid wuxuu kaloo ka waramay abaabulka iyo ururinta dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka mid noqota xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya oo dhowr cayaarood oo caalami ah ku soo fool leeyihiin
Wareysiga waxaa qaaday tafaftiraha Somaliweek Muxyadii Jaamac,wareysiga waxaad ka dhageysan kartaa boggan hadda kuu furan