Furitaankii Cayaaraha Somaliweek Toronto

TORONTO Waxaa ka furmay cayaarihii todobaadka soomalida magaalada Toronto,maalinimadii Arbaca oo taariikhdu ku begneed July/01/2009,garoonka dedan ee loo yaqaan SOCCER CITY

Haddaba cayaarihtii kowaad waxaa foodda is daray labada kooxood,Seif FC iyo Banaadir ,labada kooxood waxay soo bandhigeen cayaar heer sare ah oo iskugu jirtay weerar iyo weerar celis balse 90 daqiiqo waxay ku soo dhammaatay 0:0

Cayaartii labaad oo xiiso badneed ,ayaaa dhexmartay labada kooxood,Wembley United iyo Edmonton,waxaa garoonka ku soo hormaray kooxda Wembly United,muddo 15 daqiiqo ka dib ,waxaa soo galay kooxda Edmonton oo markaas safar dheer oo dhulka ka yimid,iyagoo ay daal badan kooxda ka muuqdo ayay haddana cayaarta bilowday


Kooxda Wembly United


Kooxda Edmonton


Markii cayaarta bilaabatay,waxaa dar dar cusub la soo baxay kooxda Wembly United,oo runtii ay wateen cayaartoy aad u dhalin yar,durbadiida waxaa kooxda Wembly United u saxiixay goolii kowaad cayaartoyga u watay numberka 11aad Abdul Sheikh,wax yar ka dibnna waxaa gooklii labaad u dhaliyay cayaartoyga sitay number 17aad Abdulkadir Salah


Abdulkadir Salah iyo Abdul Sheikh

Qeybtii labaad markii leysugu soo laabtay,ayaa waxaa kooxda Edmonton heshay gool qurux badan,waxaana u dhaliyay Geng Thian oo xirnaa number 10aad ahaana cayaartoy ajnabi ah kana soo jeeday dalka Sudaan

Cayaarta markii gabo gabo mareysay ayaa waxaa kooxda Wembly United u heshay gookii 3aad waxaana u dhaliyay Abdul Sheikh,ahaana cayaartoygii dhaliyay gookii kowaad,sidoo kalo kooxda Wembly United waxay garoonka ugu yimid guddoomiyahooda Abdikarim Diriye oo markaas si toos ah looga soo qaaday garoonka diyaaraha




Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto