Kooxda DIXON FC oo u soo baxday FINAL
Final Game: Saturday September 26/2009 At 8.00 PM

TORONTO Waxaa habeenimadii Sabtiga oo taariikhdu aheed September/12/2009.ka dhacay garoonka Soccer Centre ee ku yaal magaalada Toronto,cayaarihii Semi-Final ka ee tartanka koobka Ramadanka,



Waxaana wada cayaaray labada kooxood IFTIN VS DIXON FC,oo runtii aad loo sugayay cayaartooda,maadaama kooxda IFITN ka mid tahay kooxaha kugu faca weyn ee ka dhisan magaalada Toronto,halka kooxda DIXON FC ay ka mid tahay kooxaha cusub




Bilowgii cayaarta labada kooxood waxay la soo galeen garoonka cayaar farsameedu aad u sareysay marka aad fiiriso weerarka iyo weerar celis labada kooxood,cayaarta qeybteedii hore waxay ku soo dhammaatay 0:0
Markii laysku soo noqday ayaa kooxda DIXON FC u suurta gashay in ay ku hormaraan goolka,wax yar ka dibna ay kii labaad dhaliyaan,kooxda IFTIN macalinkoodii Cadare wuxuu isla markiiba sameeyay isbdal xagga cayaartoyda ,waxaana markaa u suurta gashay kooxda IFTIN in gool dhaqso ku dhaliyaan,balse kooxda DIXON FC oo ay u cayaarayeen dhalinyaro aad u da’yar xamaasad dheeri ahna ku jirtay iyo iyagoo niyada ku hayay bal mar uun ka badiya kooxda IFITN ayaa waxay dhaliyeen gookii seddexaad ,waxay cayaarta ku soo dhammaatay 3:1 ay ku badisay kooxda DIXON FC





Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto