![]() ![]()
|
![]() Dhageyso Wareysiga Muqtar Baydhabo & Yusuf Yusuf TORONTO Waxaa Somaliweek xog-wareysi dheer siiyay Yusuf Mohamed Abdi oo loo yaqaan Yusuf Yusuf ahna qoraa isboorti isla markaana ahna tafatiraha bogga sspamedia.com oo jooga magaalada London dalka UK iyo Muqtar Abdi Baydhabo oo ka tirsan ururka Somali American Parents Assosiation ahna Director of youth program oo isna jooga magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka Falaqeyntan isboorti waxaa looga hadlayay wixii u qabsoomay XSKK iyo labadii sano ee ugu dambeysay,Yusuf wuxuu aad ugu dheeraaday in haba yaraatee wax waxqabad la oran karo in uusan jirin balse intaas u sii dheer XSKK in uu wixii hore loo abuuray uu burburiyay wuxuu kaloo Yusuf intaasi uu ku sii daray in qof kasta oo dareen Soomali ah leh isboortina ehel u ah in ay ka dhiidhiyeen sida loogu takrifalay maamulka XSKK maadaama dalka gudihiisa iyo dibadiisa aan wax tartan kubadda koleyga ah laga lagu qaban ,haatana ay si cad uga horyimadaan cayaaraha kubadda koleyga ee lagu qaban doono magaalada Toronto bisha July 2010 Waxaa kaloo isna aad uga warbixiyay Muqtar Baydhabo in magaalada Minneapolis cayaaraha lagu qabto ay maamulkoodu gacanta ku hayaan dhalinyaro Soomaliyeed ,guulo la taaban karona ka soo hooyay balse Muqtar wuxuu nasiib daro ku tilmaamay qaarka tirsan XSKK ay dhowr mar isku dayeen in si wax burburin ah ay uga garab qabteen tartan kubadda cagta ah Muqtar wuxuu intaasi ku sii daray in arimaha burburinta ah ay isa soo tarayeen ilaa maanta soo baxday markii magaalada Toronto bahdeeda kubadda koleyga warbaahinta ku soo bandhigeen in sanadkan 2010 ay marti galinayaa tartan kubadda koleyga ah iyagoo hore safar ay Minneapolis ku yimaadeen ku wargaliyay qorsha qabashada tartanka kubadda koleyga balse wixii hore looga bartay oo ahaa in ay iska hor imaad iyo jahawareer galiyaan ay iclaamiyeen in ayagana tartan kubadda koleyga ah ku qabanayaan magaalada Minneapolis kaas oo la doonayo in lagu dumiyo kan Toronto Waxaa Yusuf Yusuf ka dhawaajiyay in madaxa tartanka kubadda koleyga Toronto 2010 Siciid Farah markii uu warbaahinta Somaliweek ka sheegay qabashada tartanka ayaa wuxuu si gaar ah u marti qaaday Adan Hagi Yabarow Wiish guddoomiyaha GOS,Duran Farah gudoomiye ku xigeenka GOS, iyo Bashiir Fox ,ay qaar ka tirsan maamulka XSKK ee kala jooga London iyo Toronto arintaas ka horyimaadeen kuna dooday in laga tagay mas’uuliyiin kale,hadaba su’aasha is weydiinta leh waxay tahay wax kasta oo ay ka horyimaadaan xataa madaxdoodii shalay doortay ma ka maseereen? Mohyadin Jama somaliweek Toronto |