Tartan Xiiso Badan oo Kubadda Cagta oo Toronto Ka Furmay
TORONTO Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Toronto tartan kubadda cagta oo loogu magac daray Somali Soccer Leage.oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Today,kooxaha tartanka ka qeyb galaya waxay ka kooban yihiin 7 kooxood oo kala ,Somali Stars,Super Stars,Albion,Hilaac,Istar Café,Kabul & New Generation
Tartankaas oo galabnimadii Jimcaha,May.13.2011,ka furmay garoonka Holiwood oo ku yaal magaalada Toronto gaar ahaan xaafada dadka Soomalida aad ugu badan yiihiin ee Weston/Lawrence
DAAWASHO WACAN
Waxaa tartankan Somaliweek furay Guddoomiye ku xigeenka XSKC,Cabdirashiid Xasan Xirsi BAKIN oo uu weheliyay garsoorihii hore ee kubadda cagta Soomaliyeed,Maxamed Faarax Dabdamis,waxayna laba mas’uul ku ammaaneen guddiga Today sida goor walba ay xilka isaga saaraan abaabulka iyo qabashada tartanada kubadda cagta ,waxay kaloo kula dardaarmeen kooxihii ka qeyb galaya tartanka Somali Soccer League in ay muujiyeen cayaar wanaag,uuna tartanku noqd mid saaxiibtinimo iyadoo goor walba ay tixgaliyeen go’aamada garsoorka iyo guddiga qaban qaabada tartanka
JIMCAHA MAY 13.2011
Super Stars 5:3 New Generation
Hilac 1:4 Kabul