Tartankii Koobka Ciida & Leicester UK
LEICESTER Koob lagu xusayey maalinta Barakeysan ee Ciiduladxaa ayaa lagu qabtay magaalada Leicester maalintii Axadda ee taariikhdu ay aheyd 29/11/09. Koobkaas waxaa si wadajir ah u soo wada qabanqaabiyey hay’adaha kala ah Dansom, Leicester Stars iyo Puntland Youth and Sports Development Organisation.
Koobkaas waxaa ku loolamayey kooxo ay tiradooda gaareysay illaa iyo 17 kooxood oo ka kala socday kooxaha kala ah Dansom, Leicester stars, Quba iyo koox ka socotay Djibouti. Kooxihii ku loolamey halkaas ayaa u kala qeybsanaa ( 9 – 11jir ), ( 12 – 14 jir ) iyo ( 15 – 17 Jir ).




Ciyaarahaas oo u dhacay si aad iyo aad ah u heer sareysa ayaa waxaa kaalimaha 1aad kala galay Leicester Stars iyo Quba oo ku kala guuleystay 3di koob ee kaalinta 1aad ahaa. Sidaas oo kale waxaa koobab lakala siiyey Kooxihii galay kaalimha 2aad, iyadoo waliba la abaalmariyey xidigihii soo bandhigay ciyaarwanaaga iyo gool dhalinta.
Ciyaarahaas waxaa kasoo qeyb galay madax ka socotay Leicester City Council, gaar ahaan Cllr Cabdulle Cusmaan. Sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay qaar ka mid ah ciyaartoydii hore ee Soomaaliya sida Bashiir Gurey, Dageeye, Baadi iyo Maxamed Cabdullaahi.





Xafladaas waxaa hadalo qiimo baddan kasoo jeediyey Cllr Abdulle Osman, Gudoomiye kuxigeenka Dansom Guuleed Osman, Al- ustaad Maxamed Saalax iyo Gudoomiyaha Puntland Youth and Sports Cabdixakiim Jaamac Jooje.
Waxaa halkaasi mahad ballaaran loogu soo jeediyey dhammaan ururadii soo qabanqaabiyey xafladan iyo dhammaan dadweynihii kasoo qeybgalay ciyaarahan gaar ahaan waalidiinta ciyaalka. Sidoo kale waxaa mahad gaar ah loo soo jeediyey Tv-yada caalamiga ah ee ETN iyo Universal, sidoo kale idaacadda Somaliweek oo iyadu uga qeybqaadaneysay qadka taleefoonka




Faahfaahin dheeraad ah lasoo xiriir
Maamulada PYSDO/Dansom/Leicester Stars.
Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto
|