Tartankii Kubadda Cagta ee Loo Qabtay Caruurta Soomaliyeed

TORONTO Waxaa lagu qabtay magaalada Toronto taariikhdu maalinimadii Axada oo taarikhdu ku beegneed 18 bishan july sanadkan 2010,tartan sanadle ah oo kubaedda cagta ah.loona qabtay caruurta Soomaliyeed ee da’doodu u dhexeyso 10 jil ilaa 16 jir
Wareysiga Madaxa Guddiga Tartanka Omar Warsame









Waxaana tartanka soo qaban qaabiyay guddiga Guidance Of Canadian Somali Youth Organization,hormuudna u yahay Omar Warsame oo goor walba isku howla sidii tartamada loo qabto caruurta soomaliyeed loo joogteyn lahaa .Omar oo u waramay somaliweek wuxuu sheegay in caruurta soomaliyeed barnaamijyada isboortiga ee noocan oo kale ah ay baahi weyn u qabaan sidii loo joogteyn laha,taas ay ka go’an tahay waalidiinta kaalin buuxda oo ay ku yeelan karaa suurta galinta tartamada wax ku oolka ah







Waxaa kaloo tartankan sanadlaha ah isdhaafsada magaalooyinka Toronto iyo Ottawa,waxaana magaalada Ottawa ka yimaada afar kooxood oo si joogta ah uga qeyb gala,waxaana dhinaca Ottawa abaabuleeda gacan weyn ka geystay Yusuf Ahmed Mohamed ahna Youth Program Co-ordinator,waxaana xagga tababarka caruurta goor walba si joogta u wada Abukar Shiino oo ah xiddigii kubadda koleyga ee naadigii Muqdisho iyo xulka Qaranka Soomaliyeeed,






Kooxaha magaalada Toronto ka socda sida kooxda Hilaac,waxaa gacanta ku haya macalimiinta kala ah Marshaale Husseen,Daahir Boodaaye iyo Saadaq Muumin

Kooxdan Hilaac waxay sanadkan markii ugu horeysay ka qeyb gashay tartanka cayaaraha todobaadka soomalida ee xilliga kuleelaha laqu qabto magaalada Toronto,haddii ay sii joogeeyeena ka soo heyn kara guulo waaweyn



Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto