Wareysiga Guddoomiye Muqtar Cutti

Somali Week Toronto 2010

Dhageyso Wareysiga Guddomiyaha Somali Week Toronto 2010 Muqtar Cutti

TORONTO Waxaa Somaliweek u suurtagashay in wareysi dheer la yeelato guddoomiyaha Somali Week Toronto 2010 ,Muqtar Mohamed Ahmed oo loo yaqaan Muqtar Cutti kana mid ahaan jiray cayaartoydii hore ee kubadda cagta kuwoodii ugu caansanaa dalka Soomaliya waliba kooxdiisa Batroolka iyo xulka qaranka Soomaliyeed

Muqtar Cutti wuxuu ka waramay ugu horeyntii taariikhdiisa kubada cagta iyo siduu ku bilaabay laga bilaabo xaafada Howl-wadaag-Batroolka & xulka qaranka Soomaliyeed,wuxuu kaloo guddoomiye Muqtar Cutti ka waramay aqoon kororsigii macalinimo ee uu ku tagay daka Jabuuti ayna soo qaban qaabisay FIFA iyadoo u soo martay XSKC,Muqtar Cutti wuxuu kaloo ka waramay sida guddiga TODAY ugu diyaar garoobeen tartanka cayaaraha Somali Week Toronto 2010 ee la filayo haddii Allah idmo in uu ka bilowdo bisha July 1-16,Sidoo kale Muqtar Cutti wuxuu ka jawaabay dhowr su’aalood oo ku saabsan kooxaha Wembley United iyo Rochester oo dad guddiga ku jira ay soo jeediyeen in la ganaaxo ,iyo arinta keentay in guddiga cid walba meesha ay rabto howsha ka qaban karto iyo in uu jiro nadaam iyo sharci qof kasta meesha lagu magaabay ka howl galayo

Guddoomiye Muqtar Cutti wuxuu marti qaad u fidyay mas’uuliyiin badan in ay sanadkan 2010 ka so qeyb galaan cayaaraha Somali Week Toronto,waxaana ka mid ah mas’uuliyiinta uu Muqtar Cutti magacaabay sidatan
Adan Hagi Yabarow Wiish gudoomiyaha GOS,Duran Farah guddoomiye ku xigeenka GOS,Abdullahi Tarabi xoghayaha GOS,Siciid Mugaambe guddoomiyaha XSKC,Abdiqani Siciid Carab xoghayaha XSKC,Bashir Fox,Ahmed Musse,Ibrahim Suudaani iyo Garsoore Qolof

Hadaba wareysiga Somaliweek la yeelatay guddoomiye Muqtar Cutti waxaad ka dhageysan kartaa boggan somaliweek.com

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto