Guddiga TODAY oo Shir Jaraa'id Qabtay

Bashi Ali & Abdi Adan

Dhageyso Wareysiga Bashi Ali Bashi & Abdi Adan Jabril

TORONTO Waxaa Somaliweek la soo xiriiray una waramay Bashi Ali Bashi iyo Abdi Adan Jabril oo labaduba ka tirsan guddiga TODAY oo ka dhisan magaalada Toronto soona qaban qaabiya cayaaraha xilliga xagaaga lagu qabto magaalada Toronto ee dalka Canada

Waxaa jiray muddo hal todobaad laga joogo in Somaliweek ku soo baxay guddiga cusub ee sanadkan 2010 hogaamin lahaa cayaaraha todobaadka Soomalida ee magaalada Toronto ,taas oo Somaliweek warkaasi ka heshay ilo laga kalsoon yahay balse abuurtay xiisad

Hadaba Bashi Ali iyo Abdi Adan waxay si cad u beeniyeen in warkaasi uusan si rasmi ah uga soo bixin guddiga TODAY, balse uu ahaa mid saxaafada iskeed u sheegatay,iyagoo ku hadlaya magaca guddiga TODAY waxay si wadajir ah u sheegeen warkaas ku soo baxay Somaliweek in uu yahay mid aan sal iyo raad laheen

Maamulka iyo bahda Somaliweek waxay si buuxda uga cudur daaranayaan guddigaas cusub ee ku soo baxay Somaliweek in uusan aheen mid si toos iyo si dadbana uga yimid guddiga TODAY balse uu ahaa mid Somaliweek ka heshay ilo kale oo lagu kalsoon yahay ,taasna ay hadda meesha ka saartay in guddiga TODAY uusan soo saarin wax magacaabsi ah haba yaraatee

Hadaba Dhageystyaal waxaan ka dhageysan kartaa shirkaas jaraa’id mas’uuliyiinta guddiga TODAY bixiyeen boggan somaliweek.com

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto